Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimada ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.

Related posts

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

January 19, 2026
Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026

“Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, afka, midnimada iyo wadajirka, taas oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, haddaba diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay, waxaana jiro khataro badan, qofka rabaa in uu qeybiyo dadkeenna hab qabiil iyo mid deegaan kuma qeybin karo, waana sababta ay khawaarijta iyo kuwa wadajirkeenna dhibayo ay u soo mareen dhanka diinteenna suubban ee aynu ku midaysannahay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay Xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaas.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ummadda iyo culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig) oo door muhiimka ahaa ka soo qaatay faafinta diinta islaamka iyo baridda dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

Taliska ciidanka Booliska Degmada Hobyo ayaa gacanta ku dhigay Madaxii maaliyadda gobolka Mudug

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray Dugsiga...

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026
0

Soomaaliya waa qaran ka mid ah dalalka Afrika ugu geesisan taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu qaaradda ku fidayay si fudud,...

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay...

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

January 19, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In