Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa loo doortay maamulka Waqooyi Bari

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
7 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa loo doortay maamulka Waqooyi Bari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026

“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.

Previous Post

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad muhiim ah

Next Post

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Next Post
Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa kulamo muhiim ah ka wada magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel...

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In