Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay howlgallada Khawaarijta looga sifeynayo Dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ka hadlay howlgallada Khawaarijta looga sifeynayo Dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay howlgallada Khawaarijta looga sifeynayo dalka, Horumarka lqga sameeyay iyo Qorshaha lagu gaarayo Soomaaliya oo Nabad ah

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London kaga qeybgalay kulan uu uga hadlay duullaanka Dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah Argagixisada iyo aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha ayaa Faahfaahiyay marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in  markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal Saddex jiho ah:

Dagaal Military

Dagaal dhaqaale

Iyo Dagaal fikir oo lagu baabi’inayo fikirka  guracan ee Khawaarijta.

Madaxweynaha oo dulmaray horumarka laga sameeeyay howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada ayaa tilmaamay in kabadan Sideetan deegaan oo Khawaarijta dadka ku dhibaataynaysay ay maanta xor yahiin, dowladda federaalkana ay gaarsiisay adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo.

Madaxweynuhu waxa uu si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadida wax soo saarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMS ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada Qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga sifeeyo argagixisada. Madaxweynuhu Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ATMS dalka ka baxayaan dabayaaqada  sanadka 2024.

Saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka soomaaliya ayuu Madaxweynuhu usoo jeediyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, waqtigaan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib u xoreynta, dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ku amaanay Madaxweynuhu doorkooda halganka dib u xoreynta isaga oo xusay in ay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada Qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka.

Previous Post

Kooxda Maareynta Sanduuqa wadajirka ah ee Soomaaliya oo yeeshay shir muhiim ah

Next Post

Kulan Duco iyo Qur’aan Akhris ah oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Next Post
Kulan Duco iyo Qur’aan Akhris ah oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

Kulan Duco iyo Qur'aan Akhris ah oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In