Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska sanad guurada 81-aad ee aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Ma jirto waddo aan ahayn doorasho toos ah oo innoo furan, waana in qof walba oo Soomaali ah u diyaar garoobo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan Shuruucda dalka u gutaan waajibaadka, isaga oo tilmaamay in hubka iyo agabka ay wataan uusan wax baddali karin, haddii aan la helin Saraakiil iyo Askar waddaniyiin ah oo ay ka go’antahay daacad ugu adeegidda dadkooda iyo dalkooda.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.

Previous Post

Madaxda Hay’addaha SoDMA iyo NIRA oo heshiis kala saxiixday

Next Post

Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka (EASF)

Next Post
Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka (EASF)

Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka (EASF)

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In