Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 hour ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi ka socda Dowladda Jabuuti oo ka qeyb galaya Munaasabadda caleemo-saarka madaxda la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, garab istaagga ay u fidiyeen Soomaaliya, waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Related posts

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

January 17, 2026

Dhankooda, Mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Jabuuti ee gaaray magaalada Laasacaanood ayaa ka kooban, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi...

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay odayaasha iyo wax-garadka maamulka Waqooyi Bari

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu...

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In