Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi ka socda Dowladda Jabuuti oo ka qeyb galaya Munaasabadda caleemo-saarka madaxda la doortay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay abaalka taariikhiga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan dowladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, garab istaagga ay u fidiyeen Soomaaliya, waqtiga adag ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka iyo taageerada aan dhammaadka lahayn ee ay la hareer joogaan xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Related posts

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026

Dhankooda, Mas’uuliyiinta wafdiga dowladda Jabuuti ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha diblomaasiyadeed ee ay kasoo hooyeen, ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo markale ku celiyay mowqifka aan leexleexadka lahayn ee Dowladda Jabuuti ee ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Dowladda Jabuuti ee gaaray magaalada Laasacaanood ayaa ka kooban, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Mudane Mu’min Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Next Post

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Next Post
Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In