Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo daah-furay Wakaaladda Biyaha Jubbaland “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo daah-furay Wakaaladda Biyaha Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay Wakaaladda Biyaha Jubbaland oo ay hirgalisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Munaasabadda daah-furka Wakaaladda Biyaha Jubbaland, waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, xubno kamida Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Xildhibaano heer Federaal ah iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland,ayaa daah-furka kadib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan oo ay ka koobantahay Wakaaladda, sida xafiisyada, qeybta sheybaarka iyo qeybta keydka Wakaaladda.

Madaxweynaha oo munaasabadda daah-furka ka hadlay, ayaa yiri ” Wakaaladda la daah-furay saddex u jeedo ayaa laga leehahay, kow waa sidii bulshada ay u heli laheyd Biyo ku filan, tan labaad Biyo nadiif ah,iyo tan seddexaad oo ah Biyo khiimo jaban leh oo ay dadka dhan guryahooda loo galiyo”.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa bogaadiyay dhammaan madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha shaqa wanaagsan oo ay u qabteen dadkooda.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, ayaa dhagax dhigay dhismaha xafiisyada Wakaaladda Tamarta oo dhawaan la hirgalinayo.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Bulshada degmada Moqokori

Next Post

Guddiga arrimaha Xabsiga dhaxe ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Duqa Muqdisho 

Next Post
Guddiga arrimaha Xabsiga dhaxe ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Duqa Muqdisho 

Guddiga arrimaha Xabsiga dhaxe ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Duqa Muqdisho 

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In