Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo daah-furay Wakaaladda Biyaha Jubbaland “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo daah-furay Wakaaladda Biyaha Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay Wakaaladda Biyaha Jubbaland oo ay hirgalisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Munaasabadda daah-furka Wakaaladda Biyaha Jubbaland, waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, xubno kamida Wasiirada iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Xildhibaano heer Federaal ah iyo masuuliyiin kale.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland,ayaa daah-furka kadib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan oo ay ka koobantahay Wakaaladda, sida xafiisyada, qeybta sheybaarka iyo qeybta keydka Wakaaladda.

Madaxweynaha oo munaasabadda daah-furka ka hadlay, ayaa yiri ” Wakaaladda la daah-furay saddex u jeedo ayaa laga leehahay, kow waa sidii bulshada ay u heli laheyd Biyo ku filan, tan labaad Biyo nadiif ah,iyo tan seddexaad oo ah Biyo khiimo jaban leh oo ay dadka dhan guryahooda loo galiyo”.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa bogaadiyay dhammaan madaxda iyo howlwadeenada Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha shaqa wanaagsan oo ay u qabteen dadkooda.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, ayaa dhagax dhigay dhismaha xafiisyada Wakaaladda Tamarta oo dhawaan la hirgalinayo.









Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Bulshada degmada Moqokori

Next Post

Guddiga arrimaha Xabsiga dhaxe ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Duqa Muqdisho 

Next Post
Guddiga arrimaha Xabsiga dhaxe ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Duqa Muqdisho 

Guddiga arrimaha Xabsiga dhaxe ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Duqa Muqdisho 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In