Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhiga 4aad ee maamulkiisa

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhiga 4aad ee maamulkiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay Xildhibaanada golaha wakiilada isagoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.

 

Waxaa ugu horayn uu Madaxweynahu tilmaamay in guud ahaan dalka ay ka jirto abaar daran meelaha roobabku ay ka da’eena ay wali ku danbayso saamaynta abaarta oo roob ku filan aanay deegaanada qaar aanay helin.

 

Madaxweynahu wuxuu sheegay in barakaca gudaha ah uu yahay mushkilada ugu weyn ee mustaqbalka lala tacaali doono sidii nolol iyo dib u habayn loogu samayn lahaa dadka gudaha ku xoolo beelay ee dulsaarka ku noqday Magaalooyinka.

 

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay dhaqaalaha oo hoos u dhac balaaran uu ku yimid taas oo ay sabab u tahay dagaalka kasocda Yukrayn taas oo khalkhal guud galisay dhaqaalaha aduunka oo dhan iyo xanuunka Covid-19 oo Wali saamayntiisa ay aduunka ka jirto.

 

Dhinaca amniga Madaxweynahu wuxuu u mahad celiyay ciidamada kala duwan ee hay’adaha amniga oo maalmahii lasoo dhaafay sameeyay howlgalo lagu naafeeyay argagisixsada isagoo sheegay inay jiraan dad suurad xumaynaya ciidamada iyo dagaalka ay kula jiraan argagixisada taas oo ah wax aan la aqbali Karin.

 

Dagaalka Al-Shabaab ayuu Madaxweynahu sheegay inuu rajo Wanaagsan ka qabo in loo midoobo isla markana Dowladda iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ka shaqayn doonan sidii si wadajir ah loogu soo afjari lahaa si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee doorashooyinka qof iyo codka ah iyo Dhamaystirka dastuurka.

 

Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadlay xaalada gobolka Gedo isagoo sheegay in dhawaan halkaas laga bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanka isla markana la fulin doono dhamaan mashariicdii hakadka ku jirtay mudadii Dowladii hore ay qalalaasaha ka waday gobolka.

 

Waxaa Madaxweynahu uu dadka gobolkaas ugu baaqay Midnimo iyo wadajir isagoo tilmaamay in wax walba oo jira wada hadal lagu dhamayn doono.

 

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in dhawaan lasoo gaba gabayn doono mashariicda hada socota oo ay kamid yihiin dhismaha jidadka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah kuwo Cusubna la bilaabi doono.

 

Golayaasha deegaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in la dadajin doono isla markana ay la socdaan mashariic Waa weyn oo wax ka badalaya nolosha bulshada.

 

Madaxweynahu wuxuu ka codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan labo degmo oo lagu soo kordhiyay Jubaland kuwaas oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobleey.

 

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha wakiilada sida ay ugu dhabar adaygeen xaalada guud ee ka jirtay Jubbaland sanadahii lasoo dhaafay taas oo tusaale u ah sida ay shacabkooda ula qaybsanayaan duruufaha jiray isagoo si rasmi ah u furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo sidiiran loogu soodhaweeyay madaxtooyada Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

Next Post
Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In