Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, ayna fidinayaan gogol “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo, ayna fidinayaan gogol “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ku baaqay in Soomaalida ay isu muujiso qadarin iyo is ixtiraam, iyadoo la ilaalinayo danaha Ummadda.

Mudane Maxamed Axmed Islaam ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegay Gobolka Gedo, halkaasi oo uu kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo saraakiisha ciidamada amniga oo ay ka wada hadleen sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Dhowr iyo toban bari ayaan safar ku jiray oo gobolka Gedo ah, intii aan maqnaa dagaallo badan ayaa dhacay, balse waxaa jiray diyaar garow fiican oo ay ciidamada isku tashanayeen oo ay cadowgooda meel fiican bey ka gaareen ciidamada, waxaana ay hadda ku jiraan abaabul inay sifeeyaan degmooyinka qaar ee gobolka ka mid ah”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay door fiican ka qaadan doonaan sidii dib la isugu furi lahaa waddooyinka qaar ee gobollada Jubbooyinka ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaa jira maalmahan wadanka Xaaladiisa waxaa mooddaa inay jiraan qilaafaad, iska bada hadal iyo is eed eed, Soomaaliya waxaan isleeyahay Nabad is afgarad iyo wadahadal  ayaa wax lagu dhisi karaa, khilaaf wax buu dumiyaa mooyee, waxba ma dhiso, waxaana loo baahanyahay guud ahaan Soomaalida inay is ixtiraamto, heer gobol  iyo heer Federaal intuba, isqadarin, is ixtiraam iyo wadatashi ayaa guul lagu gaari karaa” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

“Dalkan waxa uu u baahanyahay in la wada tashado, dalkan waxa uu u baahanyahay is afgarad wixii soo baxa in lagu dhameeyo” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Jubbaland ayna diyaar u yihiin inay gogol dhigayaan Kismaayo oo ay isu imaanayaan Madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xaaladda dalka lagu hagayo iyo wixii tabasho ah oo ay u qabaan Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in qabyo qoraalka dastuurka ay ku jiraan qodobo iska hor imaanaya, loona baahanyahay in waxkasta laga fiiriyo Danta Guud.

Halkan ka dhageyso shirka jaraa’id

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/09/Shirka-Jaraaid-ee-Madaxweynaha-Jubbaland-sax..mp3

 

 

Previous Post

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo heshiis wada gaaray

Next Post

Dhageyso:Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Gobolka Virgina ee Mareykanka

Next Post
Dhageyso:Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Gobolka Virgina ee Mareykanka

Dhageyso:Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Gobolka Virgina ee Mareykanka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In