Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya Danjire Ole Thonke.
Kulanka ayaa lagaga hadlay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Jubbaland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha, iyadoo gurmad baaxad leh ay Jubbaland wado kaas oo lagu tageerayo dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.
Waxaa kale oo mas’uuliyiintu ay wada hadal qoto dheer ka yeesheen arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dar dargelin lahaa doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaabatay Muqdisho.