Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, December, 18, 2017- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Flippo Grandi oo uu wehelinayo Wakiilka Hey’ada ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah waxaa diirada lagu saaray warbixinadii ugu danbeeyay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan kasoo laabtay xerada Qoxootiga Dhadhaab iyo sidii loo dardar galin lahaa soo celinta kuwa wali maqan.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in hawlaha socda ay guulaystaan balse mar walba uu jiro walaac ay dadku ka qabaan waxa uu mustaqbalku noqonayo marka ay Soomaaliya dib ugu soo laabtan.

Dhamaan dhinacyada shaqadan wada ayuu ku booriyay in loo midoobo sidii looga dhabayn lahaa balamahii la qaaday ee la xiriira sidii dadka dib ugu soo noqonaya Soomaaliya loo garab istaagi lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in dhibaatada dhinaca amniga ah ay wax badan xadidayso oo laga yaabo in hadii dhulka la xorayn lahaa ay noloshu is furfuri lahayd.

Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay xoogga saaran dib u xoraynta dalka oo uu sheegay ka Jubbaland ahaan in ay diyaar u yihiin.

“Dadka soo noqonaya anagaa u baahan Aqoontooda, waayo aragnimadooda iyo cududooda maadama ay inta ugu badan dhallinyaro yihiin “ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidaas oo ay tahay ayuu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam sheegay in hadii aan la helin jiho sax ah oo dadkaas loo hago ay macquul tahay in looga faa’iidaysto wadooyin kale oo khaldan, taasna ay kawada shaqaynayaan Dowladda Federaalka ah sidii looga hortagi lahaa oo dhallinyarada mustaqbal wanaagsan loogu abuuri lahaa.

Previous Post

Shir looga hadlayo sameynta Sharciga Abuurka Beeraha oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho+Sawirro

Next Post

Arday dhameysatay tababar xirfado shaqo lagu barayay oo shahaadooyin la gudoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post
Arday dhameysatay tababar xirfado shaqo lagu barayay oo shahaadooyin la gudoonsiiyay “SAWIRRO”

Arday dhameysatay tababar xirfado shaqo lagu barayay oo shahaadooyin la gudoonsiiyay "SAWIRRO"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In