Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, December, 18, 2017- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Flippo Grandi oo uu wehelinayo Wakiilka Hey’ada ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah waxaa diirada lagu saaray warbixinadii ugu danbeeyay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan kasoo laabtay xerada Qoxootiga Dhadhaab iyo sidii loo dardar galin lahaa soo celinta kuwa wali maqan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in hawlaha socda ay guulaystaan balse mar walba uu jiro walaac ay dadku ka qabaan waxa uu mustaqbalku noqonayo marka ay Soomaaliya dib ugu soo laabtan.

Dhamaan dhinacyada shaqadan wada ayuu ku booriyay in loo midoobo sidii looga dhabayn lahaa balamahii la qaaday ee la xiriira sidii dadka dib ugu soo noqonaya Soomaaliya loo garab istaagi lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in dhibaatada dhinaca amniga ah ay wax badan xadidayso oo laga yaabo in hadii dhulka la xorayn lahaa ay noloshu is furfuri lahayd.

Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay xoogga saaran dib u xoraynta dalka oo uu sheegay ka Jubbaland ahaan in ay diyaar u yihiin.

“Dadka soo noqonaya anagaa u baahan Aqoontooda, waayo aragnimadooda iyo cududooda maadama ay inta ugu badan dhallinyaro yihiin “ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Sidaas oo ay tahay ayuu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam sheegay in hadii aan la helin jiho sax ah oo dadkaas loo hago ay macquul tahay in looga faa’iidaysto wadooyin kale oo khaldan, taasna ay kawada shaqaynayaan Dowladda Federaalka ah sidii looga hortagi lahaa oo dhallinyarada mustaqbal wanaagsan loogu abuuri lahaa.

Previous Post

Shir looga hadlayo sameynta Sharciga Abuurka Beeraha oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho+Sawirro

Next Post

Arday dhameysatay tababar xirfado shaqo lagu barayay oo shahaadooyin la gudoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post
Arday dhameysatay tababar xirfado shaqo lagu barayay oo shahaadooyin la gudoonsiiyay “SAWIRRO”

Arday dhameysatay tababar xirfado shaqo lagu barayay oo shahaadooyin la gudoonsiiyay "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In