Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Madaxweynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyey Xulka kubadda cagta ee Jubbaland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyey Xulka kubadda cagta ee Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta  qado sharaf u sameeyay Cayaartooyda Xulka Jubbaland ee ka qayb galay Cayaarahii Dowlad Goboleedyada ee dhawaan ka qab soomay magaalada Muqdisho.

Qado Sharaftan waxaa kale oo goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka labaad, Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka, Wasiirka Dhallinyarada iyo xiriirka kubadda cagta ee Jubbaland iyo Cayaartooydii kasoo qayb gashay tartankii lagu soo gunaanaday magaalada Muqdisho.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Qado Sharafta kadib Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa uu ka hadlay sida ay Xukuumaddu diyaarka ugu tahay in la dhiiri galiyo cayaaraha, waxaana uu Xulka Jubbaland ku wareejiyay guri cusub oo Xulku uu yeelanayo, waxaana uu balan qaaday baabuur ay yeelan doonan Cayaartooyda Xulka iyo guddiga Garsoorka, isagoo hoosta ka xariiqay in ay dhisayaan garoon weyn oo Caalami ah, kaas oo laga hirgalinayo duleedka Magaalada Kismaayo.

“Ciyaaraha aad baan ugu dadaali doona gaar ahaan kubadda cagta oo aan wax badan ka qaban doono, waxaana hada aan wadnaa in aan garoon weyn ka dhisno duleedka magaalada oo qaab casri ah oo dunida la jaanqaadi karta loo dhisi doono” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Sidoo kale Madaxweynahaha Dowlad goboleedka Jubaland waxaa uu sheegay in ay Xukuumaddu bixin doonto kharashka ku baxaya dhismaha qoys cusub oo uu yagleelayo mid kamid ah Cayaartooyda Xulka oo gabar kasoo guursaday magaalada Muqdisho.

“Hadaan koobkii weynay oo aan gabar soo helnay waan guulaysanay waxaana aan ka qayb qaadanaynaa dhismaha qoyskan cusub” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Jubbaland.

Ugu danbayn Axmed Maxamed Islaam wuxuu hoosta ka xariiqay in uu abaal marin gudoonsiin doono Xulka, waxaana uu sheegay in wacdaradii ay ka dhigeen Muqdisho ay cadayn u tahay sida ay weli u jirto haybadii Kubadda Cagta ee Gobolku uu caanka ku ahaa oo uu hoosta ka xariiqay in ay sii bari gantaali doonaan.

S09A0959 S09A0993 S09A1023 S09A1028 S09A1033 S09A1049 S09A1056 S09A1060 S09A1137 S09A1165 S09A1166 S09A1167 S09A1169 S09A1171 S09A1181 S09A1182 S09A1186

Previous Post

Golaha Wasiirada Galmudug oo yeeshay kulan aan caadi ahayn

Next Post

Gudiga doorashooyinka dadban oo Baydhabo kulan ugu qabtay odayaal dhaqameed

Next Post
Gudiga doorashooyinka dadban oo Baydhabo kulan ugu qabtay odayaal dhaqameed

Gudiga doorashooyinka dadban oo Baydhabo kulan ugu qabtay odayaal dhaqameed

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In