Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirada Mareykanka, Ingiriiska, ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna siihayaha-Wakiilka Qaramada, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madax ka socotay Midowga Yurub.
Kulanka waxaa Diirada lagu saaray Amniga guud Deegaannada Koonfur Galbeed, ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab, wax ka qabashada saamaynta abaarta iyo Qabsoomida Shirka Dib-uheshiisinta ee lagu balamay 5/1/2023 inuu Qabsoomo.