Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Tadamun
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun oo ka shaqaysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Howlaha Gargaarka iyo Horumarinta ayaa maantay kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad goboleed Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Wafdiga ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed uga warbixiyay deeq raashin ah oo hay’addu u qaybisay 3,000 oo qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ay abaartu saamaysay ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Deeqdan ayaa qayb ka ah Mashruuca Taageerada Sugnaanta Cunnada Dalka oo ay taageerayso Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqortooyada Sucuudiga, waxaana looga jawaabayay baahiyaha ka dhashay abaaraha baaxadda leh ee jira dalka.

Hay’adda Tadamun ayaa qayb weyn ka qaadatay dadaalada socda ee loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay, iyadoo mashruucan ka fulisay dhammaan dowlad goboleedyada qeybta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ustaad Cismaan Abshir oo wafdiga hoggaaminayay ayaa sheegay in Deeqdan Raashinka ah ay isugu jirto Bur, Bariis, Sonkor iyo Saliid.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Next Post

Ergeyga gaarka ee Gurmadka Abaaraha oo fogaan aragga kula kulmay Wasiiro

Next Post
Ergeyga gaarka ee Gurmadka Abaaraha oo fogaan aragga kula kulmay Wasiiro

Ergeyga gaarka ee Gurmadka Abaaraha oo fogaan aragga kula kulmay Wasiiro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In