Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan oo uu hoggaaminayey Yuusuf Bakiit Raxma oo ah Madaxa Bariga Africa ee Hay’adda Boqor Salmaan oo Maanta Baydhabo gaaray.
Madaxweyne Laftagareen, ayaa wafdiga kala hadlay arrimaha saamaynta Abaaraha iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Bulshada Soomaaliyeed ee abaaraha ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehelinayay Wasiiro,Agaasimaha Madaxtooyada,Gudoomiyaha degmada iyo mas’uuliyiin kale.