Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Kowda Luulyo xornimada iyo midnimada ka sokow waxay inoo tahay maalintii dib u soo kabashada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Kowda Luulyo xornimada iyo midnimada ka sokow waxay inoo tahay maalintii dib u soo kabashada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 1 July , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 55-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada koonfureed iyo midowgii waqooyi iyo koonfuur ee dhaliyey Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo ka dhacdey Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhalinyaro duruuf adag ku jirta ay ahaayeen kuwii suurageliyey in meel la isugu keeno Soomaalida, lana helo xornimo, sidaa darteedna loo baahan yahay Soomaalida waqtigan casriga ah nool inay ka qeyb qaataan dhismaha Soomaaliya cusub oo horumarsan.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

“Ku dhowaad qarni ka hor ayay koox dhalinyaro ah oo geesiyaal ah, waxay isku xilqaameen inay shacabka ka dulqaadaan gumeysiga, wayna ku guuleysteen, iyagoo weliba waqti adag ku shaqeynayey. Inagoo taas ka tusaale qaadaneyna waxaan rabnaa inaan dhisno Soomaaliya ka horumarsan tii hore, ka xooggan, kuna dhaqmeysa nidaam dimoqraadi ah oo shacabka oo dhan raali uu ka yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa madaxweynaha uu sidoo kale sheegay in 55-kii sanno ee Soomaaliya ay xornimada haysatey ay jireen caqabado qalqal geliyey dowladnimada iyo midnimada, haatanna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dhismaha mustaqbal siyaasadeed oo bulshada oo dhan ay qeyb ka tahay.

“Waxaan dhiirigelinayaa dib u heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha, taana waa siyaasadda ay ku dhisan tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waa inaan is xishmeynaa, is qaddarinaa, lagana fogaadaa ereyada xanafta leh ee dadkeena dib u xusuusinaya waayihii adkaa ee la soo marey. Aan adeegsano luuqad dadka isku keeneysa, dibna farxad iyo is-jaceyl uga dhex abuuri karta quluubta shacabka Soomaaliyeed’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amniga uu yahay tiirka koowaad ee aasaaska u ah in Soomaaliya ay horumar gaarto, isagoo dhanka kalena hambalyo u direy dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhiiggooda , sharaftooda iyo waqtigooda u huraya difaaca dalka iyo dagaalka la doonayo in lagu ciribtiro kooxda nabad diidka ee Al Shabaab.

“Ilaahay ayaa mahad leh inaan si nabad ah halkan ugu xuseyno munaasabadda 1-da Luulyo. Dhalinyaro duruuf adag ku shaqeysa ayaa shaqadan wanaagsan ee amniga lagu sugayo qabtey. Kooxda nabad diidka marna ma oggola in sidan oo kale uu shacabku farxad u wadaago. Waxan halkan ku joognaa caawa waa rabitaanka Ilaahay iyo dadaalka ciidankeena. Marka shacabka waxan ka codsanayaa in tixgelin gaar ah ay siiyaan ciidammadeena hawshaasi adag haya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar uu ka hadlayey barnaamijka Hiigsiga 2016, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in dalka isbeddel uu ka dhaco, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo.

“Soomaaliya waxay haysaa dhabbadii ay dib ugu soo noqoneysey nolosha caadiga ee horumarka iyo dimoqraadiyadda. Maqaamkii aan ku lahayn beesha caalamka ayaa soo noqoneysa. Waxaa haatan meel fiican maraya hawlaha dhismaha maamullada iyo baahinta xukunka. Isbeddelada aan dooneyno inaan hirgelino si aan u dhisno qaran dhameystiran waxaa talo ku leh cid kasta oo Soomaaliyeed, beesha caalamka oo iyaguna mar kasta na garab taagan, talo ayaa uga furan nidaamka cusub ee aan dhisaneyno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqey inay taageeraan dowladnimada iyo hoggaanka dalka, isagoo intaa ku darey in dowladnimada iyo nidaamka sharciga ah oo la dhowro ay yihiin waxa ugu dambeyn keeni kara in laga guuleysto kuwa diiddan horumarka iyo nabadda, gaar ahaan kooxda nabad-diidka ee Al Shabaab.

Madaxweynaya ayaa salaan sharaf ka qaatey cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida, isagoo sidoo kalena horkacay calan saarka oo xaley saqdii dhex dhacdey.

Munaasabadda xuska sannad-guurada 55-aad ee xornimada dalka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) N40A9041unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed (17) unnamed (18) unnamed (19) unnamed (20) unnamed (21) unnamed (22) unnamed (23) unnamed (24) unnamed (25) unnamed (26) unnamed (27) unnamed (28) unnamed (29) unnamed

Previous Post

Magaalada Garoowe oo xalay laga xusay 1-da Luulyo “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Talyaaniga oo Soomaaliya ugu hambalyeeeyay xuska 1 July

Next Post
Madaxweynaha Talyaaniga oo Soomaaliya ugu hambalyeeeyay xuska 1 July

Madaxweynaha Talyaaniga oo Soomaaliya ugu hambalyeeeyay xuska 1 July

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In