Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Muqdisho kula Kulmay Safiirada UK Iyo Sweden Ee Soomaaliya “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Muqdisho kula Kulmay Safiirada UK Iyo Sweden Ee Soomaaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaaladda Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dawladda ingiriiska Ee Soomaaliya Danjire Ben Fender, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo danjiraha ay wada qaateen ayaa waxa ku wehlinayay u qeybsamaha Wasaaradda arrimaha Dibadda UK ee Africa haweyneyda lagu magacaabo Harriet Mathews, waxaana kulanka oo ahaa mid waqti badan qaatay diiradda lagu saaray siddii Hirshabeelle looga gacansiin lahaa dhinacyada horumarinta iyo ammaanka iyo siddii loo casriyeyn lahaa Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Dhinaca Kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaaladda Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander, iyaggoo ka wada hadlay arrimo la xiriira siddii Hirshabeelle looga fulin lahaa mashaariicyada Sweden oo ay fuliyaan hey’adaha Qaramada Midoobay sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka, Horumarinta Ganacsiga, iyo shaqo abuurka Dhalinyarada.

Kulanka Madaxweyne Waare iyo safiirka Dawladda Sweden Ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander ayaa waxa ku wehlinayay, U qeysamaha Wasaaradda arrimaha Dibadda Ee Africa Ola Karlman, waxaana arrimihii laga wada hadlay uu safiirka balanqaaday in ay fulinayaan, dhowaana uu booqasho ku tagi doono, si loo kordhiyo mashaariicyada lagu caawinayo Hirshabeelle.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ergo Ka Socota Ururka Iskaashiga Islaamka, Masar, Kenya Iyo Bangiga Adduunka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ergo Ka Socota Ururka Iskaashiga Islaamka, Masar, Kenya Iyo Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ergo Ka Socota Ururka Iskaashiga Islaamka, Masar, Kenya Iyo Bangiga Adduunka

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In