Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo saraakiil ka socotay UNHCR oo kulmay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo saraakiil ka socotay UNHCR oo kulmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madax ka socotey hay’adda UNHCR oo ay hogaamineysey Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Bushra Halepota si ay ugala hadlaan arirmaha qoxootiga Kenya ee la doonayo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Axmed Islaam ayaa sheegey inay aad ugu faraxsanyihiin soona dhaweynayaan qoxootiga Soomaaliyeed ee kusoo laabanaya dalkooda, balse waxa uu ka digay in qoxootiga lasoo daabulo ayaga oo aan loo sameynin dib u dajin sax ah.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Madaxda UNHCR ayaa sheegtey inay ka fikirayaan sidii ay dib u dejin sax ah ay ugu sameyn lahaayeen qoxootiga lasoo celinayo, ayada oo loo dhisayo guryo , iskuulo iyo xarumo caafimaad.

UNHCR ayaa sheegtey in dhawaan uu madaxa ugu sareeya ee UNHCR imaan doono dalka Kenya si uu kulan saddex geesood ah ula qaato Kenya, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si looga arrinsado qadiyadda ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu danbeyntii u sheegey Madaxda UNHCR in ay bixinayaan dhulkii ladajin lahaa qoxootiga sidoo kalena ay sugayaan amnigooda guud ahaan.

Intaas kadib madaxda UNHCR ayaa kulan xog wareysi ah la qaatey Guddiga Qaxootiga u qaabilsan Dowladda Jubbaland, kaas oo ay madax ka tahay Marwo Maryan Awcali iyo Labo guddi oo ka kala yimid qoxootiyada Dhadhaab Kenya iyo Qoxootiyada dalka Yemen oo hadda ah kuwa ugu daran.

Gudigii ka socdey Qoxootiga dalka Yemen oo ka koobnaa 3 xubnood ayaa sheegay in dalka Yemen aysan ka jirin wax nolol ah oo la sii fiirsado ee ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah oo dadkaas lala gaaro, halka gudiga ka socdey qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ay aad uga cowdeen xayiraadda lagu soo rogey Xawaaladaha Soomaalida ee ka howlgala Kenya, kuwaas oo sababey inay dad biilka dibada looga soo diri jirey ay lasoo daristo nolol la’aan baahsan, taasi oo qeyb ka ah dhibaatooyinka haysato Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya.

IMG_7747-480x320 IMG_7748-480x320 IMG_7750-480x320 IMG_7762-480x320 IMG_7765-480x320 IMG_7778-480x320 IMG_7781-480x320 IMG_7785-480x320 IMG_7786-480x320 IMG_7787-480x320 IMG_7789-480x320

Previous Post

Shir Gaar ah Oo Iskaashiga Amaanka Looga Hadlayay Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Urdun.

Next Post

Ciidanka amniga oo toogasho ku dilay labo horjooge oo tirsan Al-Shabaab

Next Post
Ciidanka amniga oo toogasho ku dilay labo horjooge oo tirsan Al-Shabaab

Ciidanka amniga oo toogasho ku dilay labo horjooge oo tirsan Al-Shabaab

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In