Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Madaxweynaha Dalka oo furay shirka Talo-Qaran “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Madaxweynaha Dalka oo furay shirka Talo-Qaran “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee SoomaaliyaMudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir hal maalin ah oo loogu magac daray tallo Qaran, kaasoo ay dadweynaha ku dhiibanayeen tallooyinkooda.

Shirka  Tallo-Qaran waxa uu tilmaamayaa Lix tiir ama qodob,  sida Amniga, Cadaaladda, Waxbarashada, Caafmaadka, Dhaqaalaha iyo Waddaniyadda, siyaasadooduna waxaa lagu lifaaqayaa tallooyinka ay bixiyaan dadweynihii Soomaaliyeed ee madashaasi isugu  yimid.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026

Dadka ka soo qeyb-galay waxa ay ahaayeen saraakiisha ciidammada, khabiirro Cadaaladda bartay, Aqaaoonyahanno, Dhaqaatiir, siyaasiin iyo dadweyne kale, madasha Tallo Qaran waxaa soo agaasimey Qaasim Maxamed Cali oo ah taliyaha madaxweynaha.

Madaxweynaha  Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daah-furay madasha tallo Qaran, waxa uu ka jeediyey khudbad ka hadleysay lixda qodob ee tallooyinka u baahan, ahna kuwa ugu muhiimsan dal ama dowlad jirta leeyihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey madasha Tallo Qaran dhallinyaradii soo abaabushay, waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in wadatashiga iyo tallo uruurinta dadka Soomaaliyeed, si ay ugu tadashadaan siyaasadda ay u degsadeen hey’adaha kala duwan ee dowladda, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladdiisu ay mar walbaa ka go’an tahay in wadatashi ay ku saleyso hey’ad walba, Soomaaliyana ay noqon doonto dal dhibaatooyinkii soo maray uga soo baxa wadatashi.

Madaxweynaha Dalka oo khudbaddiisa sii wata, ayaa soo hadal qaadey doorashooyinka ka socda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay horumar iyo dimoqoraadiyad ay Soomaaliya, gaartay, hasa yeeshee waxa uu sheegay in waajib dheeri ah uu ka saaran  yahay doorashooyinka dowlad gobolleedyada iyo guddiyada  ku howlan arrimahaas.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha ayaa tilmaamo ka bixiyey Soomaaliya sababa ay burburka uga baxdey oo ah saddex arrimood. Sida dagaalladii sokeeye, dowladihii Kmg-ka ahaa iyo dhibaatooyinkii Qabiilka oo aad u sii yaraadey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dadka Soomaaliyeed uga mahadceliyey dedaalka iyo garab istaagga dowladnimada ay u muujiyeen, waxa uu u rajeeyey in ay muddo dhow gaari doonaan dowlad  iyo shacab awood badan oo dunida carsiga ah tusaale u noqda, sida uu ku sheegay khudbaddiisa.

Lixda Qodob ee Tallo Qaran, waxaa fikradahooda ka dhiibanayey ama tallooyin ku biirinayey dadkii ka soo qeyb-galay, waana madal kulmisa tallo doonka, tallo-wadaagta iyo tallo bixiyeyaasha Soomaaliyeed.

IB0A9554 IB0A9555 IB0A9580 IB0A9591 IB0A9592 IB0A9594 IB0A9604 IB0A9608 IB0A9616 IB0A9622 IB0A9624 IB0A9626 IB0A9743 IB0A9745 IB0A9754 IB0A9764 IB0A9766 IB0A9779 IB0A9781 IB0A9782 IB0A9783 IB0A9787

Previous Post

Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar oo sare u qaaday Agabyada ay sameeyaan “SAWIRRO”

Next Post

Mid Ka mid ah Xildhibaanada Cusub ee dhawaan la doortay oo Garoowe ku geeriyooday

Next Post
Mid Ka mid ah Xildhibaanada Cusub ee dhawaan la doortay oo Garoowe ku geeriyooday

Mid Ka mid ah Xildhibaanada Cusub ee dhawaan la doortay oo Garoowe ku geeriyooday

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In