Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 8-da Maarso

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 8 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 8-da Maarso awgeed ee maalinta haween weynaha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay door wax ku ool ah ka soo qaateen horumarka dalka, iyagoo safka horey kaga jirey halgankii xornimadoonka, dib u heshiisiinta ummadda, nabadeynta, wax soo saarka iyo horumarka dhinacyadiisa kala duwan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Cidna ma dafiri karto doorka shariifka ah ee haweenka Soomaaliyeed, xuquuqda haweenkuna waxay ku caddahay qur’aanka kariimka. Waxaan sannadkan ugu bishaareynayaa in markii ugu horeysey la dhaqan gelin doono qoondada ay ku leeyihiin baarlamaanka oo ah boqolkiiba 30 , iyagoo sidoo kale heli doona tixgelin qeybaha kala duwan ee adeegyada dowladda iyo bulshada’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si bulsho horumar u gaarto ay lagama maarmaan tahay in haweenku ay helaan xuquuqdooda oo dhameystiran, sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Dowladda Soomaaliya si buuxda u taageersan tahay, qaybna ay ka tahay Ololaha Ururka Midowga Afrika ee dhimista ama yareynta hooyooyinka naftooda ku waaya xiliga dhalmada- Accelerated Reduction of Maternal Mortality in Africa (CARMMA) .

“Adeegyadeenii caafimaad inkastoo aanay weli gaarin heerkii laga rabey, hadana horumar la taaban karo ayaa jira oo dalka qeybihiisa kala duwan waxaa ka furan xarumo lagu daryeelo haweenka iyo dhallaanka, dowladduna waxay dadaal ugu jirta in la helo adeegyo caafimaad oo tayo leh’’.

Dhanka nabadgelyada, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in haweenku ay kaalin wanaagsan ka qaataan nabadeynta iyo sugidda ammaanka, iyagoo qeyb ka ah ciidammada kala duwan ee qalabka sida, waxaana uu ku booriyey inay meesha ka sii wadaan la shaqeynta iyo taageerada laamaha amniga ee dalka.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismo cusub oo loo dhisay Wakaaladda SONNA “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Yuusuf “Konton kun oo doolar ayaan ku wareejiyay Guddiga dhismaha waddada Hobyo iyo Muqdisho”

Next Post
Guddoomiye Yuusuf “Konton kun oo doolar ayaan ku wareejiyay Guddiga dhismaha waddada Hobyo iyo Muqdisho”

Guddoomiye Yuusuf “Konton kun oo doolar ayaan ku wareejiyay Guddiga dhismaha waddada Hobyo iyo Muqdisho”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In