Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shir looga hadlayey xawaaladaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 13 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shir sare oo madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ay kaga doodayeen doorka xawaaladaha ay ka qaadan karaan maalgashiga barnaamijyada horumarinta.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayaa barbar socda Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta ee ay soo qabanqaabisey Qaramada Midoobay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dalalka beesha caalamka ee uu iskaashiga kala dhexeeyo Soomaaliya, shirkadaha xawaaladaha iyo Soomaalida qurba joogta ah, doorka ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka ee dhinaca fududeynta xawaaladaha.

‘’Lacagta loo soo xawilo Soomaaliya waxay muhiim u tahay nolosha malaayiin qof oo ay saameeyeen abaaro iyo fakhri ka jira dalkeena. Waxaa kale oo ay lacagtaasi gacan ka geysataa dib u dhiska uu qarankeena u baahan yahay. Lacagta loo soo xawilo Soomaaliya waxaa sannadkii lagu qiyaasaa ku dhowaad 1.5 bilyan oo dollar, taas oo qiyaas ahaan gaareysa boqolkiiba konton dakhliga waddanka soo gala. Waxaa iyana xusid mudan in dad gaaraya boqolkiiba afartan shacabka Soomaaliya ay ku tiirsan yihiin lacagtaasi la soo xawilo’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa sidoo kale ku xusey in xawaaladaha aaney muhiim u ahayn Soomaaliya oo keliya, balse ay kaalin muuqata ka qaataan dhaqaalaha dalal badan oo soo koraya.

‘’ Xawaaladaha waa qeyb ka mid ah ilaha dakhliga xooggan ee soo gala dalalka soo koraya. Lacagtaasi waxay si weyn uga badan tahay deeqaha rasmi ahaan dhinaca horumarinta loo siiyo dalalka soo koraya. Sannadkii la soo dhaafey waxaa qiyaasta lacagaha loo soo xawilo dalalka soo koraya ay gaareysey 436 bilyan oo dollar, welina way sii kordheysaa. Tusaale ahaan Kenya waxaa la filayaa in lacagta xawaaladaha loogu soo diro ay sare u kacdo 10%, halka Uganda-na la filayo inay sare u kacdo 15%”.

Madaxweynaha ayaa xusey in tallaabooyinkii dhowaan lagu xirey xawaaladaha lacagta u soo dira Soomaaliya iyo dalalka gobolka ay Soomaaliya walaac weyn ka qabto, maadaama ay taasi dhalin karto in si sharci-darro ah lacagaha la isugu diro, isla markaana kooxaha argagixisada iyo dembiileyaasha ay ka ishaasi ka faa’ideystaan.

‘’Dowladda Soomaaliya way ogsoon tahay baahida loo qabo in la sameeyo nidaam hufan oo lagu xakameynayo lacagaha sida sharci-darrada ah la isugu gudbiyo iyo ka hortagga lacagaha ku dhaca gacanta kooxaha argagixisada. Waxaa inagu hor gudban caqabado badan, hanaanka sharci iyo nidaaminta adeegga maaliyadda ee dalkeena weli ma dhameystirna, waxaana jirta baahi ah in la abuuro nidaam u suuragelinaya Baanka Dhexe ee Soomaaliya inuu maamulo lacagaha la isu diro, ee gudaha iyo dibedda u kala gudbeysa’’.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kala xusey in dhowaan magaalada Washington lagu dhisey guddi la talin ah oo ka kooban, Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Britain iyo Mareykanka, kuwaas oo taageeri doona hawlaha guddiga gaarka ee Soomaaliya ee qaabilsan kobcinta awoodda Baanka Dhexe ee Soomaaliya uu ku sameyn karo nidaam lagu maamulo shirkadaha xaawaladaha, dushana lagala socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha la isu diro.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah  (Final-ka) ee tartanka “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In