Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shir looga hadlayey xawaaladaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 13 July, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shir sare oo madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ay kaga doodayeen doorka xawaaladaha ay ka qaadan karaan maalgashiga barnaamijyada horumarinta.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, ayaa barbar socda Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta ee ay soo qabanqaabisey Qaramada Midoobay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dalalka beesha caalamka ee uu iskaashiga kala dhexeeyo Soomaaliya, shirkadaha xawaaladaha iyo Soomaalida qurba joogta ah, doorka ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka ee dhinaca fududeynta xawaaladaha.

β€˜β€™Lacagta loo soo xawilo Soomaaliya waxay muhiim u tahay nolosha malaayiin qof oo ay saameeyeen abaaro iyo fakhri ka jira dalkeena. Waxaa kale oo ay lacagtaasi gacan ka geysataa dib u dhiska uu qarankeena u baahan yahay. Lacagta loo soo xawilo Soomaaliya waxaa sannadkii lagu qiyaasaa ku dhowaad 1.5 bilyan oo dollar, taas oo qiyaas ahaan gaareysa boqolkiiba konton dakhliga waddanka soo gala. Waxaa iyana xusid mudan in dad gaaraya boqolkiiba afartan shacabka Soomaaliya ay ku tiirsan yihiin lacagtaasi la soo xawilo’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa sidoo kale ku xusey in xawaaladaha aaney muhiim u ahayn Soomaaliya oo keliya, balse ay kaalin muuqata ka qaataan dhaqaalaha dalal badan oo soo koraya.

β€˜β€™ Xawaaladaha waa qeyb ka mid ah ilaha dakhliga xooggan ee soo gala dalalka soo koraya. Lacagtaasi waxay si weyn uga badan tahay deeqaha rasmi ahaan dhinaca horumarinta loo siiyo dalalka soo koraya. Sannadkii la soo dhaafey waxaa qiyaasta lacagaha loo soo xawilo dalalka soo koraya ay gaareysey 436 bilyan oo dollar, welina way sii kordheysaa. Tusaale ahaan Kenya waxaa la filayaa in lacagta xawaaladaha loogu soo diro ay sare u kacdo 10%, halka Uganda-na la filayo inay sare u kacdo 15%”.

Madaxweynaha ayaa xusey in tallaabooyinkii dhowaan lagu xirey xawaaladaha lacagta u soo dira Soomaaliya iyo dalalka gobolka ay Soomaaliya walaac weyn ka qabto, maadaama ay taasi dhalin karto in si sharci-darro ah lacagaha la isugu diro, isla markaana kooxaha argagixisada iyo dembiileyaasha ay ka ishaasi ka faa’ideystaan.

β€˜β€™Dowladda Soomaaliya way ogsoon tahay baahida loo qabo in la sameeyo nidaam hufan oo lagu xakameynayo lacagaha sida sharci-darrada ah la isugu gudbiyo iyo ka hortagga lacagaha ku dhaca gacanta kooxaha argagixisada. Waxaa inagu hor gudban caqabado badan, hanaanka sharci iyo nidaaminta adeegga maaliyadda ee dalkeena weli ma dhameystirna, waxaana jirta baahi ah in la abuuro nidaam u suuragelinaya Baanka Dhexe ee Soomaaliya inuu maamulo lacagaha la isu diro, ee gudaha iyo dibedda u kala gudbeysa’’.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kala xusey in dhowaan magaalada Washington lagu dhisey guddi la talin ah oo ka kooban, Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Britain iyo Mareykanka, kuwaas oo taageeri doona hawlaha guddiga gaarka ee Soomaaliya ee qaabilsan kobcinta awoodda Baanka Dhexe ee Soomaaliya uu ku sameyn karo nidaam lagu maamulo shirkadaha xaawaladaha, dushana lagala socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha la isu diro.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Baydhabo oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah Β (Final-ka) ee tartanka “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In