Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ku booriyay Jaamacadaha Soomaaliya inay yeeshaan kulliyado lagu tababbaro macallimiinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ku booriyay Jaamacadaha Soomaaliya inay yeeshaan kulliyado lagu tababbaro macallimiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo magaalada Boosaaso kula hadley ardayda, macallimiinta iyo madaxda Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso ayaa ku booriyay inay yeeshaan kuliyado lagu tababbaro macalimiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jaamacadda Bariga Afrika ay ka mid tahay jaamacadaha ay ku faanto Soomaaliya, isla markaana dabooshay qeyb ka mid ah baahida waxbarasho ee ka jirta degaannada Puntland.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Maanta waxay ii tahay maalin farxadeed oo i xusuusineysa shaqadeydii hore ee macallinnimada iyo adeegyada waxbarashada ee dalka. Jaamacadda Bariga Afrika iyo ardeydeeduba waxaan ugu hambalyeynayaa horumarka muuqda ee ay gaareen, waana filayaa inaad gaari doontaan meel intaan ka sareysa’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay u xoojin lahayd Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee dhowaan dib loo hawlgeliyay, si loo soo celiyo fursadihii waxbarashada bilaashka ee dalka ka jirtay oo ay ka faa’iideysan karaan ardayda aan qoysaskooda awoodin jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee lacagta lagu dhigto.

“Aqoonta waxay ka mid tahay adeegyada muhiimka ah ee dalkeena u baahan yahay. Waa wax lagu faano in jaamacado badan oo gaar ah oo dalka laga sameeyay ay si weyn u najaxeen. Waa jiraan kuwo aan u qalmin in jaamacado loogu yeero, laakiin waxaa ka xun in jahliga uu nagu sii baaho, kuwaas aan tayadooda fiicnayna, waxaan isku dayi doonaa inaan si wadajir ah u toosino’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si kor loogu qaado tayada aqoonta dalka loo baahan yahay in dalku yeesho kulliyado macallimiin oo ardayda ay ka faa’iideysan karaan.

“Waxaan dhammaan jaamacadaha dalka farayaa inay yeeshaan kulliyado lagu tababaro macallimiinta si kor loogu qaado tayada waxbarashada. Macallinimadu wa xirfad la barto, sidaa darted waxaan u baahanahay inaan helno barreyaal xirfadahooda ay sareyso oo kobcinta waxbarashada dalka kaalin firfircoon ka qaata’’.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in baahida labaad ee muhiimka u ah dalka ay tahay barashada siyaasadda wanaagsan ee wax dhista.

“Dalkeena waxaa uu caalamka ku lahaa sharaf iyo karaamo Afrika oo dhan laga wada og yahay. Doorkeenii iyo sharaftii aan lahayn waxaa la degay siyaasad xumo ina soo wajahday. Waxaanu lahayn dowlad xoog badan oo milateri casri ah ay u dhisnayd, intaas oo dhanna waxaa baabi’iyey siyaasadda oo inaga halowday’’.

Waxaa uu Madaxweynaha ku booriyay dhalinyarada inay siyaasadda bartaan.

“Waxaa dhalinyarada ku boorinayaa inay bartaan siyaasadda wanaagsan si waddankeena uu u noqdo mid horumarsan. Siyaasadda wanaagsan waa tan qofka ku dhalisa inuu shacabkiisa u adeego, xirfad kasta ha yeeshee, marka taasi la kala garto, lana dhameystiro kaabeyaasha muhiimka u ah siyaasadda, ayaan heli karnaa fursad aan ku soo xulno dad u bisil hoggaanka dalkan kheyraadka badan leh’’.

Madaxweynaha waxaa uu ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika iyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka waddanka, uga digay inay ka fogaadaan naceybka, xagjirnimada diimeed iyo tan qabyaaladda, maadaama intuba ay yihiin kuwo cawaaqib xun dhalinaya.

1 2 3 4 5 6 unnamed

 

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeraya halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta Hiiran iyo Sh/Dhexe

Next Post

Wasiir Diini “Argagixisadu waa khatar u baahan Iskaashi Caalami in looga hortago”.

Next Post
Wasiir Diini “Argagixisadu waa khatar u baahan Iskaashi Caalami in looga hortago”.

Wasiir Diini “Argagixisadu waa khatar u baahan Iskaashi Caalami in looga hortago”.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In