Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ku booriyay Jaamacadaha Soomaaliya inay yeeshaan kulliyado lagu tababbaro macallimiinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ku booriyay Jaamacadaha Soomaaliya inay yeeshaan kulliyado lagu tababbaro macallimiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo magaalada Boosaaso kula hadley ardayda, macallimiinta iyo madaxda Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso ayaa ku booriyay inay yeeshaan kuliyado lagu tababbaro macalimiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jaamacadda Bariga Afrika ay ka mid tahay jaamacadaha ay ku faanto Soomaaliya, isla markaana dabooshay qeyb ka mid ah baahida waxbarasho ee ka jirta degaannada Puntland.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Maanta waxay ii tahay maalin farxadeed oo i xusuusineysa shaqadeydii hore ee macallinnimada iyo adeegyada waxbarashada ee dalka. Jaamacadda Bariga Afrika iyo ardeydeeduba waxaan ugu hambalyeynayaa horumarka muuqda ee ay gaareen, waana filayaa inaad gaari doontaan meel intaan ka sareysa’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay u xoojin lahayd Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee dhowaan dib loo hawlgeliyay, si loo soo celiyo fursadihii waxbarashada bilaashka ee dalka ka jirtay oo ay ka faa’iideysan karaan ardayda aan qoysaskooda awoodin jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee lacagta lagu dhigto.

“Aqoonta waxay ka mid tahay adeegyada muhiimka ah ee dalkeena u baahan yahay. Waa wax lagu faano in jaamacado badan oo gaar ah oo dalka laga sameeyay ay si weyn u najaxeen. Waa jiraan kuwo aan u qalmin in jaamacado loogu yeero, laakiin waxaa ka xun in jahliga uu nagu sii baaho, kuwaas aan tayadooda fiicnayna, waxaan isku dayi doonaa inaan si wadajir ah u toosino’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si kor loogu qaado tayada aqoonta dalka loo baahan yahay in dalku yeesho kulliyado macallimiin oo ardayda ay ka faa’iideysan karaan.

“Waxaan dhammaan jaamacadaha dalka farayaa inay yeeshaan kulliyado lagu tababaro macallimiinta si kor loogu qaado tayada waxbarashada. Macallinimadu wa xirfad la barto, sidaa darted waxaan u baahanahay inaan helno barreyaal xirfadahooda ay sareyso oo kobcinta waxbarashada dalka kaalin firfircoon ka qaata’’.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in baahida labaad ee muhiimka u ah dalka ay tahay barashada siyaasadda wanaagsan ee wax dhista.

“Dalkeena waxaa uu caalamka ku lahaa sharaf iyo karaamo Afrika oo dhan laga wada og yahay. Doorkeenii iyo sharaftii aan lahayn waxaa la degay siyaasad xumo ina soo wajahday. Waxaanu lahayn dowlad xoog badan oo milateri casri ah ay u dhisnayd, intaas oo dhanna waxaa baabi’iyey siyaasadda oo inaga halowday’’.

Waxaa uu Madaxweynaha ku booriyay dhalinyarada inay siyaasadda bartaan.

“Waxaa dhalinyarada ku boorinayaa inay bartaan siyaasadda wanaagsan si waddankeena uu u noqdo mid horumarsan. Siyaasadda wanaagsan waa tan qofka ku dhalisa inuu shacabkiisa u adeego, xirfad kasta ha yeeshee, marka taasi la kala garto, lana dhameystiro kaabeyaasha muhiimka u ah siyaasadda, ayaan heli karnaa fursad aan ku soo xulno dad u bisil hoggaanka dalkan kheyraadka badan leh’’.

Madaxweynaha waxaa uu ardeyda Jaamacadda Bariga Afrika iyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah mustaqbalka waddanka, uga digay inay ka fogaadaan naceybka, xagjirnimada diimeed iyo tan qabyaaladda, maadaama intuba ay yihiin kuwo cawaaqib xun dhalinaya.

1 2 3 4 5 6 unnamed

 

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeraya halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta Hiiran iyo Sh/Dhexe

Next Post

Wasiir Diini “Argagixisadu waa khatar u baahan Iskaashi Caalami in looga hortago”.

Next Post
Wasiir Diini “Argagixisadu waa khatar u baahan Iskaashi Caalami in looga hortago”.

Wasiir Diini “Argagixisadu waa khatar u baahan Iskaashi Caalami in looga hortago”.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In