Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulan afur ah u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur iyo casha sharaf ah u sameeyay mas’uuliyin isugu jira Xilbaanno iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.

Kulanka isugu jirta afurka iyo cashada ee lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyay kulanka uu u sameeyay, isagoo xusay in maanta ay tahay maalintii koowaad ee todobaadka xoriyadda.

“Waxaan marka hore Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uga mahadcelinayaa xusuusta uu xusuustay munaasabadda 26-ka Juun, oo xalay ahayd, isla markaana la saaray xalay meeshii lixdankii laga taagay, waa maalintii ugu horeysay oo gobollada ka mid ah dalka oo xor noqday, Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelineynaa in aan mar labaad sidaan oo kale u kulano” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gabo gabeeyay kulanka afurka iyo cashada ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin ku weyn dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, isagoo hambalyo u diray guud ahaan shacabka, gaar ahaan bulshada ku nool gobollada Waqooyi ee dalka.

“Waxaan markale rabaa in aan iraahdo hambalyo guud Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan si gaar ah ugu sii hambalyaynayaa dadka Soomaaliyeed ee qiimaha badan leh ee ku nool Gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya, oo aan leenahay si gaar ah hambalyo, waxaan rabaa fariinta Walaalaha waqooyiga Soomaaliya ku nool, waxaan leenahay, walaalayaal maanta waa farxad waan wada wadaagnaa, waa taariikh, ma ahan waqooyi iyo koonfur kaliya e, qofkasta oo Soomaali ah, meelkasta oo calanka kaga noolyahay Jamhuuriyadda dhexdeeda iyo xuduudaha Jamhuuriyadda banaankeedaba, maalin un uu tirsanayo, uu sheeganayo, uu ku faanayo weeyaan, marka xafladan waa maalintaas sidaas u weyn ee aan caawa isugu nimid, waxaana haysanaa fursad aan isku soo celin karno Midnimadii shalay, dhamaanteen qadiyadda ku aadan dib suu celinta Midnimada ayaan safiiro u nahay haddii aan joogno Hargeysa ama Muqdisho” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday ciidanka AMISOM

Next Post
Nicholas Kay oo cambaareeyay weerarkii Baydhabo

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday ciidanka AMISOM

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In