Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulan sagootin ah la qaatey Philippe Lazzarini oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulan sagootin ah la qaatey Philippe Lazzarini oo ka tirsan Qaramada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan sagootin ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini, oo waqtigii uu ka hawlgalayey dalka uu dhammaadey.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Lazzarini hawshii wanaagsaneyd ee uu ka fuliyey Soomaaliya iyo sida uu mar walba beesha caalamka sida saxda ah ugu tebinayey xaaladaha iyo baahida ay qabaan shacabka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Aad baan kaaga mahadnaqayaa inaad khibraddaada iyo shaqadaada wanaagsan u hurto Soomaaliya. Wax badan way inoo qabsoomeen, balse waxan haatan beesha caalamka ka dalbaneynaa inay horumariyaan kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo gacan weyn ka geysan kara in dadku isku filnaansho gaaraan, kana maarmaan kaalmada’’.

Mr. Lazzarini, oo sidoo kale ahaa Xiriiriyaha Kaalmada Bani’aadannimo ee Soomaaliya, ayaa isna ka mahadceliyey wadashaqeynta loo muujiyey muddadii uu dalka joogay.

‘’Waxay ii ahayd sharaf weyn inaan Soomaaliya ka hawlgalo, iskaashi wanaagsan ayaana la ii muujiyey. Waxan qirayaa in Soomaaliya ay horumar wanaagsan ku talaabsatey, anigoo raejynayaa in horumarkaasi sii socdo. Waxa kale oo aan beesha caalamka ugu baaqayaa inay Soomaaliya ka haqabtirto baahiyadeeda si mar kale uu dalku cagahiisa isu taago’’.

Kulankaasi ayaa waxaa kale oo looga hadley mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, horumarka dhismaha maamullada gobollada, Hiigsiga 2016 iyo hawlaha kale ee la xiriira dowlad dhisidda iyo nabadda.

Gabagabadii kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu haddiyad guddoonsiiyey Mr Lazzarini.

Mr Lazzarini ayaa la filayaa inuu dhowaan ka hawlgalo dalka Lubnaan halkaas oo uu ka noqon doono Xiriiriyaha Kaalmada Aadminimo ee Qaramada Midoobay.

-DHAMMAAD- 

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow Oo Deeq Lacageed Siiyey Abwaan Ku Xanuunsan Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Boosaaso oo u soo gudbay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka “Dhageyso”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Boondheere oo u soo gudbay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka “Dhageyso”

Tartamayaasha Degmada Boosaaso oo u soo gudbay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka "Dhageyso"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In