Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo la kulmay guddiyo xaaladda abaaraha qiimeyn ku soo sameeyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo la kulmay guddiyo xaaladda abaaraha qiimeyn ku soo sameeyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya oo ay weliyaan  hoggaamiyeyaasha madasha watashiga Qaran, ayaa maanta kulan la qaatay xubno guddiyo ah oo qiimeyn ku sameeyey xaaladda abaaraha ka jirta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha guddiyada ah oo ay ku jiraan, guddiga abaaraha, guddiga u adkeysiga aafooyinka iyo xubno ka socdey dowlad gobolleedyada dalka ka jira, warbixintoodu waxa ay sheegtay in abaartu ay tahay mid ku sii baaheysa gobollo cusub, una baahan in si deg deg ah looga jawaabo dhibaatadaasi.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey guddiyadaan howsha ay soo qabteen, waxa uu sheegay in dhowaan ay si wadajir ah u soo saari doonaan baaq caalami ah oo xaaladda abaaraha ku saabsan, sidoo kale la sameyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan guddi heer Qaran oo abaabula gurmadka loo baahan yahay.

Xaaladda Abaaraha dalka ka jirta, ayaa aad looga deyrinayaa, waxaana laga cabsi qabaa haddii aan si deg deg ah wax looga qaban in ay noqoto middii dalka ka dhacdey sanandkii 2011-ka oo kale, laakiin dowladda ayaa wadda dedaallo xooggan oo looga jawaabayo abaarta baahsan.

BH0A5720 BH0A5730 BH0A5759 BH0A5778 BH0A5783  BH0A5787 BH0A5788 BH0A5789 BH0A5793 BH0A5797 BH0A5798

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo Muqdisho ka furtay kulan looga hadlayo qorshaha caafimaadka ee 5ta sanno “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Yemen ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Yemen ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Yemen ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In