Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho. Febraayo. 07,2016- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad jeediyey fadhi aan caadi ahayn ee uu Baarlamaanka Federaalka. ku yeeshay xarunta golaha shacabka.

Madaxweyanaha oo ka hadlayey xaaladda amni ee dalka ayaaa soo hadal qaaday weerarkii ugu dambeeyey ee ay kooxda Al Shabaab ka geysatay Liido isaga oo ku tilmaamay weerarkaas inuu ahaa mid lagu laayey dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan carruur iyo dumar, wuxuuna mar kale tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna ALLAH uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

“Weerarkii ugu dambeeyay ee ay kooxdan nafla-caariga ah ka geysatay Liido ee hooyooyin , carruur iyo dad kale oo maato ah loogu laayey si cadawtinimo ah, dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi waa argagixiso oo u bareeray laynta maatada. Waxa ay ku dambeyn doonaan shalaay, sida kuwii ku fekerka ahaa ee gacanta lagu soo dhigay iyagoo falal noocaas oo kala ah shacab u maleegayey’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadda amniga ay wadaan howlgallo looga hortagayo damaca kooxda nabad iyo nolal diidka ah isaga oo ku amaray hey’adaha ammaanka in dadka lagu soo qabto howlgallda socda lagu sameeyo baaritaano sida sharciga qabo, wuxuuna madaxweynaha uga digay ciidamadda in ay jirdil ku sameeyaan dadka howlgallada lagu soo qabto .

“Badbaadada Ummadda iyo jiritaanka Qarannimadeenna in aanu u istaagno waa waa jib ina wada saaran, mas’uuliyadda amniga anaga ayaa iska leh, marka waxaan rabnaa in gacan la siiyo hey’adaha ammaanka si howshooda u gutaan, sax maahan in idacadaha laga dacayadeeyo ciidankeenna u taagan sugida amniga, waa in la dhiirro geliyaa si cadowgu fursad u helin, wixii khalad ah ee dhaca, waxaa jira hab loo marsiiyo dadka madaxda u ah” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo sidoo kale ka hadlay shilkii diyaaradeed ee todobaadkii hore ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade ayaa sheegay in loo hayo shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ku lug-lahaayeen islamarkaan baaritaano ay ku socdaan.

SIdoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay horumarka dhaqaale ee daka uu ku tallaabay, isaga oo sheegay in umadda Soomaaliyeed ay horray u dhaqaaqday kuna sii socoto wadadii looga gudbi lahaa daruufaha mucayinka ah ee jira.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya howllahii cuslaa oo ay soo qabteen gaar ahaan sharciyaddii ugu dambeeyey ee ay meel-mariyeen.

DHAMMAAD

Previous Post

Koofur Afrika: Arday Soomaali ah oo Dugsiyo iyo Masaajid ka qaybiyay Kutubo Qur’aan+Sawirro

Next Post

Qoraayaal Soomaaliyeed oo ka qeybgalay bandhiga caalamiga ah ee buugaagta oo lagu qabtay Masar

Next Post
Soomaaliya Oo Kaga Qeyb gashay Qaahira Bandhiga Buugaagta Caalamiga

Qoraayaal Soomaaliyeed oo ka qeybgalay bandhiga caalamiga ah ee buugaagta oo lagu qabtay Masar

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In