Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

โ€œDowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa ku weyn, abaal weyna ay idin kaga hayaan, mashaariicda qiimaha leh ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ka fulinayso waddankan, waxayna taasi dhiirigelineysaa dadaalka ku aaddan dib u soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalahaโ€, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada waqtigan ay hesho ka sokow, ay Soomaaliya u baahan tahay in lagala kaashado dhinacyada maalgashiga, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, hirgelinta xarumo ay dhalinyarada ka bartaan mihnadaha kala duwan iyo barnaamijyada shaqo abuurista.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Waxaa uu sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, isla markaana dowladdiisu dooneyso in waddamada Khaliijka ay door ka ballaaran midka hadda jira ay ka cayaaraan dib u dhiska Soomaaliya.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa qabsoomey shir kale oo laba geesood ah oo ay yeesheen labada dal. Dhanka Soomaaliya waxaa kulankaasi horkacayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyeen wasiirrada Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Waxbarashada, Amniga, Taliyaha Booliska iyo xubno kale, iyadoo dhanka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheikh Abdullah bin Zayed bin Sultan Al Nahyan , Reem Al Hashimy oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan xukuumadda Imaaraadka, Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al Othman iyo xubno kale.

Kulankaasi ayaa labada dhinac ay isku dhaafsadeen arrimo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada ay iska kaashan karaan iyo arrimo kale. Waxaa kale oo halkaasi lagu kala saxiixdey heshiis adeegga duulimaadyada rayidka la xiriira oo labada dowladood ay wada galeen.

DHAMMAAD

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5)ย ย unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14)

Previous Post

Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

Next Post

Dagaaladii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo qodobo muhiim ah laga heshiiyay

Next Post
Dagaaladii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo qodobo muhiim ah laga heshiiyay

Dagaaladii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo qodobo muhiim ah laga heshiiyay

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In