Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo sheegay inuu jiro qorshe dowladeed oo lagu dhowrayo degaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

11 April 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah furey toddobaadka dhir beerista qaranka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo loogu diyaar-garoobayo maalinta dhirta oo ku beegan 17-ka April, ayaa Madaxweynaha waxaa uu taallada Daljirka Daahsoon ku beeray geed dhireed, isagoo isla markaana halkaasi khudbad kooban u jeediyey ururrada bulshada, ardeyda iyo dadweyne fara badan oo halkaa isugu yimid.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

‘’Dhirtu waxay muhiim u tahay nolosha aadamiga, xoolaha iyo in degaanka la dhowro. Waxaa dowladdu ay waddaa barnaamij ballaaran oo degaanka wax looga qabanayo, kaas oo aan ka duwaneyn barnaamijyada dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey shacabka in munaasabaddan awgeed ay geedo badan beeraan, iyagoo ka fikiraya mustaqbalka jiilka soo socda ee Soomaaliyeed.

Munaabaddaasi waxaa kale oo ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole.

-DHAMMAAD-

unnamed unnamed (1) unnamed (2)

Previous Post

Wiil Soomaaliyeed oo Hargeysa ka tagay oo waxbarasho ka billaabaya Jaamacadda Harvard

Next Post

Todobaadka  Dhir-beerista  Qaranka Soomaaliyeed  oo bilaabatay “SAWIRRO”

Next Post
Todobaadka  Dhir-beerista  Qaranka Soomaaliyeed  oo bilaabatay “SAWIRRO”

Todobaadka  Dhir-beerista  Qaranka Soomaaliyeed  oo bilaabatay “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In