Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Shir Madaxeedka Midowga Afrika uga waramey xaaladda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 31 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxda Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatey horumar la taaban karo ee dhinaca siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, dalkana ay sannadkana ka dhacayaan doorashooyin markii ugu horeysay muddo haatan laga joogo 47 sanno.

Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika ayaa sheegay in guulaha ay Soomaaliya ku tallaabsatey ay ka dhasheen biseylka Soomaalida eek u aaddan inay waddankooda dib u dhistaan, kana xoroobaan colaadaha iyo kala qeybsanaanta.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa beesha caalamka oo gacan muuqata ka geysatey in Soomaaliya ay ka soo gudubto xilliyadii adkaa. Ciidammada AMISOM ayaan si gaar ah u xusaya doorka ay ka qaateen taageerada Soomaaliya, iyadoo ciidan isugu jira rag iyo dumar kana tirsan AMISOM ay naftooda u hureen sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dalalka ay ciidammada kaga dhinteen Soomaaliya, gaar ahaan dhacdadii xanuunka badneyn ee loo geystey ciidanka Kenya oo dalkeena u jooga inay na gacan qabtaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa, waxaa uu beesha caalamka kaga codsadey inay taageero ka geystaan sidii looga mira dhalin lahaa doorashooyinka sannadkan la filayo inay qabsoomaan, oo uu sheegay inay calaamad wanaagsan u noqon doonaan hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha xusey inuu hubo in argagixisada falalka aadminimada ka baxsan ka fulinaya Soomaaliya iyo dalalka deriska ah laga adkaan doono, dalalka gobolka iyo caalamkana laga doonayo inay dagaalkaasi u midoobaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu madaxda Midowga Afrika uga warbixiyey qaraarkii shaley ka soo baxay Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee madaxda Bariga Afrika eek u jira Taliska Ciidammada sida deg-degga u hawlgala ay ku yeesheen Addis Ababa, kaas oo ay kaga hadlayeen xasaradda ka aloosan dalka Burundi.

Shirkaasi shaley dhacay ayaa waxaa shir guddoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu taageeray dadaalka Midowga Afrika ee xal u helista colaadda Burundi ka jirta iyo in dowladda magaalada Bujumbura lagu taageero sidii ay nabad iyo xasilooni dalka ugu soo dabbaali lahayd.

 

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In