Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Shir Madaxeedka Midowga Afrika uga waramey xaaladda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 31 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxda Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatey horumar la taaban karo ee dhinaca siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, dalkana ay sannadkana ka dhacayaan doorashooyin markii ugu horeysay muddo haatan laga joogo 47 sanno.

Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika ayaa sheegay in guulaha ay Soomaaliya ku tallaabsatey ay ka dhasheen biseylka Soomaalida eek u aaddan inay waddankooda dib u dhistaan, kana xoroobaan colaadaha iyo kala qeybsanaanta.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa beesha caalamka oo gacan muuqata ka geysatey in Soomaaliya ay ka soo gudubto xilliyadii adkaa. Ciidammada AMISOM ayaan si gaar ah u xusaya doorka ay ka qaateen taageerada Soomaaliya, iyadoo ciidan isugu jira rag iyo dumar kana tirsan AMISOM ay naftooda u hureen sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dalalka ay ciidammada kaga dhinteen Soomaaliya, gaar ahaan dhacdadii xanuunka badneyn ee loo geystey ciidanka Kenya oo dalkeena u jooga inay na gacan qabtaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa, waxaa uu beesha caalamka kaga codsadey inay taageero ka geystaan sidii looga mira dhalin lahaa doorashooyinka sannadkan la filayo inay qabsoomaan, oo uu sheegay inay calaamad wanaagsan u noqon doonaan hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha xusey inuu hubo in argagixisada falalka aadminimada ka baxsan ka fulinaya Soomaaliya iyo dalalka deriska ah laga adkaan doono, dalalka gobolka iyo caalamkana laga doonayo inay dagaalkaasi u midoobaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu madaxda Midowga Afrika uga warbixiyey qaraarkii shaley ka soo baxay Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee madaxda Bariga Afrika eek u jira Taliska Ciidammada sida deg-degga u hawlgala ay ku yeesheen Addis Ababa, kaas oo ay kaga hadlayeen xasaradda ka aloosan dalka Burundi.

Shirkaasi shaley dhacay ayaa waxaa shir guddoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu taageeray dadaalka Midowga Afrika ee xal u helista colaadda Burundi ka jirta iyo in dowladda magaalada Bujumbura lagu taageero sidii ay nabad iyo xasilooni dalka ugu soo dabbaali lahayd.

 

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In