Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka wadatashiga aayaha dalka “Sawirro+dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka wadatashiga aayaha dalka “Sawirro+dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha looga tashanayo arrimha Hiigsiga 2016-ka oo ay ka qeyb galeen Madaxda Maamul Goboledyada Dalka ka jira.

Madasha wadatashiga heerka Qaran ee looga tashanayo mustaqbalka dalkeena iyo halka uu u socdo sanadka 2016 kahor iyo waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid, Ra’iisul wasaare ku-xigeen Mudane Maxamed Cumar Carta Qaalib, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Jubba, iyadoo dhanka beesha caalamka ay ka qeyb galeen Wakiilada Qaramada Midoobay, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xubno kale oo ka socday safaarada beesha caalamka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka furan.

Related posts

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026

Shirkan ayaa looga arrinsanayaa inta uu socdo hirgelinta hanaanka loo marayo doorashada ka dhaceysa dalka nuuca ay noqoneyso iyo qodobo kale oo muhiim ah, iyadoo furitaanka maantaa uu ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamauud oo sharaxay sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya oo  wadajirto ay qorshe cad la timaado si caalamkuna ugu caawiyo qorshahaasi.

“Wixii aan isku raacno ayaan xambaareynaa, waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa afkaaraha wanaagsan, wixii aan ku kala duwanaano waan xalineynaa, qorshahan Soomaalida ayaa iska leh, hadii ay ceyb ka timaado anaga ayaa ka mas’uul ah, haddii lagu guuleysto anaga ayaa iska leh, marka saaxiibadeena caalamka waxaan uga baahanahay inay nagu taageeraan qorshahan aan wadno, shirka wadatashiga Qaran wuu noo furanyahay” ayuu yiri Madaxwene Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlayay sida bulshada ku nool deegaanada Maamulka Somaliland uga qeyb geli karaan wadatashiyadan ayaa yiri “Wadatashiyadan waa mid ay Soomaalidu bilowday, runtiina mabda’iyan waa ka mid Somaliland, hadba sida ay daruufuhu inoogu ogolaadaan inay uga mid noqdaan waan kawada shaqeyneynaa, arrintii wada hadalka meel fiican ayay mareysaa”.

Madaxweynayasha maamul goboleedyada oo dhankooda ka hadlay shirka ayaa tilmaamay in ay tahay tallaabo aad u muhiimsan oo madaxdu ay ka tashaneyso aayaha dalka, ayna diyaar u yihiin in si wada jir ah looga qeyb qaato arrinta.

Wasiirka Warfafainta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xusay in madashan ay mari doonto heerar kala duwan.

“Waxaa la go’aamiyay wada tashigan uu yahay mid Soomaalidu ay leedahay, madaxda ayaana go’aamo ka gaaraya arrintan, doorka beesha caalamkuna waxa ay tahay in ay xagga dhaqaalaha naga caawiyaan, marka uu qorshahan noo dhamaado talllooyinka dadweynaha ayaa la soo uruurin doonaa, Soomaaliya maanta gacmaha ayay is heysataa, waxaana la soo saarayaa gole arrinta hogaamin doono” ayuu yiri Wasiirka.

Dhageyso Warka oo dhameystiran

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/09/WAR-GAANI-MP3-ok-.mp3

IB0A9448 IB0A9449 IB0A9451 IB0A9456 IB0A9460 IB0A9462 IB0A9465 IB0A9476 IB0A9484 IB0A9493   IB0A9519 IB0A9523 IB0A9531 IB0A9543 IB0A9549 IB0A9558 IB0A9564 IB0A9573   IB0A9592 IB0A9614 IB0A9624 IB0A9625 IB0A9646 IB0A9681 IB0A9709   IB0A9780 IB0A9783

Sawir Qaade:-Ilyaas Jamaal

Previous Post

Wasiir Maareeye “Ummadda Soomaaliyeed ha is cafiyeen meelkasta oo ay joogaan”

Next Post

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya oo heshiisyo ganacsi la saxiixday shirkado Turki ah “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya oo heshiisyo ganacsi la saxiixday shirkado Turki ah “SAWIRRO”

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya oo heshiisyo ganacsi la saxiixday shirkado Turki ah “SAWIRRO”

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In