Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka wadatashiga aayaha dalka “Sawirro+dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay shirka wadatashiga aayaha dalka “Sawirro+dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha looga tashanayo arrimha Hiigsiga 2016-ka oo ay ka qeyb galeen Madaxda Maamul Goboledyada Dalka ka jira.

Madasha wadatashiga heerka Qaran ee looga tashanayo mustaqbalka dalkeena iyo halka uu u socdo sanadka 2016 kahor iyo waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid, Ra’iisul wasaare ku-xigeen Mudane Maxamed Cumar Carta Qaalib, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Jubba, iyadoo dhanka beesha caalamka ay ka qeyb galeen Wakiilada Qaramada Midoobay, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xubno kale oo ka socday safaarada beesha caalamka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka furan.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Shirkan ayaa looga arrinsanayaa inta uu socdo hirgelinta hanaanka loo marayo doorashada ka dhaceysa dalka nuuca ay noqoneyso iyo qodobo kale oo muhiim ah, iyadoo furitaanka maantaa uu ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamauud oo sharaxay sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya oo  wadajirto ay qorshe cad la timaado si caalamkuna ugu caawiyo qorshahaasi.

“Wixii aan isku raacno ayaan xambaareynaa, waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa afkaaraha wanaagsan, wixii aan ku kala duwanaano waan xalineynaa, qorshahan Soomaalida ayaa iska leh, hadii ay ceyb ka timaado anaga ayaa ka mas’uul ah, haddii lagu guuleysto anaga ayaa iska leh, marka saaxiibadeena caalamka waxaan uga baahanahay inay nagu taageeraan qorshahan aan wadno, shirka wadatashiga Qaran wuu noo furanyahay” ayuu yiri Madaxwene Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlayay sida bulshada ku nool deegaanada Maamulka Somaliland uga qeyb geli karaan wadatashiyadan ayaa yiri “Wadatashiyadan waa mid ay Soomaalidu bilowday, runtiina mabda’iyan waa ka mid Somaliland, hadba sida ay daruufuhu inoogu ogolaadaan inay uga mid noqdaan waan kawada shaqeyneynaa, arrintii wada hadalka meel fiican ayay mareysaa”.

Madaxweynayasha maamul goboleedyada oo dhankooda ka hadlay shirka ayaa tilmaamay in ay tahay tallaabo aad u muhiimsan oo madaxdu ay ka tashaneyso aayaha dalka, ayna diyaar u yihiin in si wada jir ah looga qeyb qaato arrinta.

Wasiirka Warfafainta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xusay in madashan ay mari doonto heerar kala duwan.

“Waxaa la go’aamiyay wada tashigan uu yahay mid Soomaalidu ay leedahay, madaxda ayaana go’aamo ka gaaraya arrintan, doorka beesha caalamkuna waxa ay tahay in ay xagga dhaqaalaha naga caawiyaan, marka uu qorshahan noo dhamaado talllooyinka dadweynaha ayaa la soo uruurin doonaa, Soomaaliya maanta gacmaha ayay is heysataa, waxaana la soo saarayaa gole arrinta hogaamin doono” ayuu yiri Wasiirka.

Dhageyso Warka oo dhameystiran

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/09/WAR-GAANI-MP3-ok-.mp3

IB0A9448 IB0A9449 IB0A9451 IB0A9456 IB0A9460 IB0A9462 IB0A9465 IB0A9476 IB0A9484 IB0A9493   IB0A9519 IB0A9523 IB0A9531 IB0A9543 IB0A9549 IB0A9558 IB0A9564 IB0A9573   IB0A9592 IB0A9614 IB0A9624 IB0A9625 IB0A9646 IB0A9681 IB0A9709   IB0A9780 IB0A9783

Sawir Qaade:-Ilyaas Jamaal

Previous Post

Wasiir Maareeye “Ummadda Soomaaliyeed ha is cafiyeen meelkasta oo ay joogaan”

Next Post

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya oo heshiisyo ganacsi la saxiixday shirkado Turki ah “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya oo heshiisyo ganacsi la saxiixday shirkado Turki ah “SAWIRRO”

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya oo heshiisyo ganacsi la saxiixday shirkado Turki ah “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In