Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay baaqa Djibouti ee martigelinta iyo qabashada shir madaxeed caalami ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay baaqa Djibouti ee martigelinta iyo qabashada shir madaxeed caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

New York, 30 September, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay talo soo jeedinta Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ee martigelinta shir madaxeed gaar ah oo dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya, kana tirsan hawlgalka AMISOM ay isugu yimaadaan magaalada Djibouti.

Madaxweynaha ayaa ka hadley kulan gaar ah oo madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ku yeesheen magaalada New York, halkaas oo ay ku falanqeeyeen qaabka ugu wanaagsan ee la isugu dubbaridi karo hawlgalada milatariga iyo xasilinta ee ay wadajirka u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika (AMISOM).

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Waxaan walaalaheena Afrika uga mahad celineynaa dadaalka ay naftooda inoogu hureen, iyagoo gacan ka geysanayaa qorshaha nabad raadinta ee dowladda. Aad baan ugu ammaanayaa dadaalkooda geesinimada leh. Waan soo dhoweynayaa shir madaxeedka uu soo jeediyay walaalkey Ismaaciil Cumar Geelle, si aan horey ugu sii wadno wadatashiga aan halkan ka bilowney ee lagu tayeynayo hawlaha AMISOM, isku dubbaridka wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo in la bilaabo diyaar garowga ka bixintaanka AMISOM ee Soomaaliya, si ciidammo Soomaaliya ay leedahay ay hawsha ula wareegaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey in muhiim ay tahay in gacan laga geysto dhismaha ciidammada Soomaaliya.

“Waa inaan xaqiijinaa dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo si tayo leh u shaqeynaya, baahidooda si wanaagsan loo daboolo, taageersanna rabitaanka nabadda ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo gacan ka geysan doona nabadda iyo xasiloonida Geeska iyo Bariga Afrika.Wadashaqeynta iyo talooyinka waddamada ciidanka noogu deeqay waa u muhiim qorshahan aan leenahay. Waxaan rajeynayaa in taageeradiina ay qeyb ka noqon doono Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno oo mabda’a uu ku shaqeynayo lagu saleynayo nabad iyo xasilooni’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiinta kale ee ka hadashey shirkan ayaa ku booriyey beesha caalamka inay taageeraan dhismaha ciidan qaran oo tayeysan oo Soomaaliya ay yeelato, si ay gacan uga geystaan amniga gobolka iyo kan caalamka.

Kulan madaxeedka la soo jeediyay ee waddamada ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu dhammaadka bisha October ka dhaco magaalada Djibouti.

— DHAMMAAD—

 

 

Previous Post

Ganacsatada oo looga digay inay qashinka ku soo daadiyaan waddooyinka

Next Post

Ciidamada amniga ee Kenya oo gacanta ku dhigay rag lala xiriirinayo Al-Shabaab

Next Post
Dowladda Kenya oo adkeysay ammaanka dalkeeda

Ciidamada amniga ee Kenya oo gacanta ku dhigay rag lala xiriirinayo Al-Shabaab

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In