Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland Oo Bogaadiyay Garab Istaaga Odayaasha Degaanka “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland Oo Bogaadiyay Garab Istaaga Odayaasha Degaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo la kulmay Odeyaasha Dhaqanka degmada Eyl ee Gobolka Nugaal,ayaa uga warbixiyey fursadaha dadka deegaan ugu jira dhismaha Gole Deegaan oo codkooda ku yimid, kana tarjumaya rabitaankooda iyo rajadooda, taas oo xoojinaysa maamul wanaagga iyo wax-wada qabsiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhismaha kaabeyaasha degmada, horumarinta mashaariicda iyo fursadaha maalgashi ee Eyl ay xoogeysan doonaan, kaddib doorashada Guddoonka degmada oo dadka deegaanku ay muujiyeen sida ay ugu bisil yihiin hannaanka dimuqraadiyadda iyo xisbiyada badan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Reer Eyl, waxaan idin ku ammaanayaa sida aad isugu tanaasusheen, codkiinana u mideyseen, idinkoo dhisay Gole Deegaan oo aad hoggaankiisa ku doorateen karti iyo khibrad. Reer Puntland intooda kale waxaad tusteen awoodda codka shacabka iyo muhiimadda ay leedahay in dadku ay hoggaankooda ku doortaan waxqabad, aqoon iyo hufnaan.”

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka degmada Eyl ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay garab istaagga Golaha Deegaanka ee la doortay, waxa ayna ka digeen cid kasta oo isku dayda in ay kala dhantaasho midnimada dadka deegaanka iyo wax-wada qabsigooda, iyagoo uga mahad-celiyey Madaxweynaha dadaalka dowladdu ay ku bixinayso hirgelinta doorashada qof iyo cod ee dhammaan deegaannada Puntland.

Previous Post

Taliyaha Qeybta 27aad Oo Kormeeray Goobihii Laga Saaray Al-Shabaab “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Qeybgalay Daah-furka Qorshaha Qaranka Ee haweenka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Qeybgalay Daah-furka Qorshaha Qaranka Ee haweenka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Qeybgalay Daah-furka Qorshaha Qaranka Ee haweenka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In