Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland Oo Daah-furay Mashruuca loogu magacdaray Waxbarashadu yeyna ku seegin+Sawiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland Oo Daah-furay Mashruuca loogu magacdaray Waxbarashadu yeyna ku seegin+Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho oo ballaaran, kaasoo halku dhigiisu yahay Waxbarashadu yeyna ku Seegin, ama “Education cannot Wait”.

Mashruucaan in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynayay waxaa ka faa’idaysan doona 40,000 arday oo ku nool gobolada kala duwan ee Puntland, waxaana sidoo kale uu taageeri doonaa dhinacyada tababarada Shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada, Macallimiinta iyo sidoo kale ardayda kuwa baahiyaha gaarka ah ay haystaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucaan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

“Mashruucaan waxaan rajeynaynaa inuu saldhig u noqon doono inaysan marnaba jirin sabab ay ardaydu uga baaqdaan Waxbarashada oo mar walba iyo duruuf walba oo jirta ay la jaan qaadaan Tacliinta”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda Wasaarada Waxbarashada ku booriyay in ay si hoose u eegaan Waxbarashadda dadka reer guuraaga ah oo kamid ah meelaha la qorsheeyay inay mashruucaan ka faa’idaystaan.

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahahceliyay wasaarada Waxbarashada Puntland iyo hay’adaha gacanta ka gaystay isagoona kula dar-daarmay in mashaariicdaan iyo kuwa lamidka ah la dhowro siday tahayna ay u fulaan, la hareer marin, la lexjeclaysan la musuq maasuqin meeshay ku baboon tahay la marsiiyo.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay Madaxweynaha DG Puntland sii deynta Xubnaha xiran ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Afrika+Sawiro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Afrika+Sawiro

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Afrika+Sawiro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In