Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye.

Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole, Senator Cabdirisaaq Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen oo ka mid ah Aasaasayaasha Mashruuca Waxbarashada ee Ifiye iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Mashruucan oo in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynaayey waxaa ka faa’iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawlad goboleedka Puntland iyo qurbajoogta Puntland. Mashruucani waxa uu xoogga saarayaa Waxbarashada carruurta ee maadooyinka Sayniska, Tijnoolajiyadda (Technology), injineerinka (Engineering) iyo Xisaabadka.

Qurba joogta reer Puntland ee mashruucan taageeraysa ayaa diiradda saaraya in 10,000 (toban kun) oo Kambiyuutar loo gadaayo Ardayda dugsiyada Puntland, waxaana mashruuca lagu bilaabayaa 18 dugsi oo iskugu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare.

Madaxwaynaha Puntland ayaa balan qaaday in Madaxtooyada Puntland ay sanadkiiba ku taageerayso mashruuca 1,000 (kun) Kambiyuutar si kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland si ay awood ugu yeeshan maadooyinka Sayniska. Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in mashruucan kusoo beegmo iyada oo 15-ka bishaan Puntland ay u balansan tahay inay wadatashi ka yeelato Puntland Horumarkeeda iyo xaaladda ay marayso iyo caqabadaha hortaagan, waxaan rajaynayaa halku-dhigyada kasoo bixi doona inay qayb ka noqon doonaan tayeynta tacliinta” Ayuu yiri Madaxwaynaha Dawladda Puntland

Sidoo kale Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada farsamada gacanta.

Ugu dambayn, Madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Qurba joogta gacanta ka gaysatay, isagoo kula dar-daarmay in mashruucan iyo kuwa lamidka ahba la dhowro.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shir Dhex Maray Dowladda iyo Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Deyn Cafinta, Dib-U-Habeynta Amniga, Xoreynta iyo Xasilinta Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Deyn Cafinta, Dib-U-Habeynta Amniga, Xoreynta iyo Xasilinta Dalka “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Deyn Cafinta, Dib-U-Habeynta Amniga, Xoreynta iyo Xasilinta Dalka “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In