Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye.

Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole, Senator Cabdirisaaq Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen oo ka mid ah Aasaasayaasha Mashruuca Waxbarashada ee Ifiye iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mashruucan oo in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynaayey waxaa ka faa’iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawlad goboleedka Puntland iyo qurbajoogta Puntland. Mashruucani waxa uu xoogga saarayaa Waxbarashada carruurta ee maadooyinka Sayniska, Tijnoolajiyadda (Technology), injineerinka (Engineering) iyo Xisaabadka.

Qurba joogta reer Puntland ee mashruucan taageeraysa ayaa diiradda saaraya in 10,000 (toban kun) oo Kambiyuutar loo gadaayo Ardayda dugsiyada Puntland, waxaana mashruuca lagu bilaabayaa 18 dugsi oo iskugu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare.

Madaxwaynaha Puntland ayaa balan qaaday in Madaxtooyada Puntland ay sanadkiiba ku taageerayso mashruuca 1,000 (kun) Kambiyuutar si kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland si ay awood ugu yeeshan maadooyinka Sayniska. Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Mashruucan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in mashruucan kusoo beegmo iyada oo 15-ka bishaan Puntland ay u balansan tahay inay wadatashi ka yeelato Puntland Horumarkeeda iyo xaaladda ay marayso iyo caqabadaha hortaagan, waxaan rajaynayaa halku-dhigyada kasoo bixi doona inay qayb ka noqon doonaan tayeynta tacliinta” Ayuu yiri Madaxwaynaha Dawladda Puntland

Sidoo kale Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada farsamada gacanta.

Ugu dambayn, Madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Qurba joogta gacanta ka gaysatay, isagoo kula dar-daarmay in mashruucan iyo kuwa lamidka ahba la dhowro.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shir Dhex Maray Dowladda iyo Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Deyn Cafinta, Dib-U-Habeynta Amniga, Xoreynta iyo Xasilinta Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Deyn Cafinta, Dib-U-Habeynta Amniga, Xoreynta iyo Xasilinta Dalka “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Deyn Cafinta, Dib-U-Habeynta Amniga, Xoreynta iyo Xasilinta Dalka “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In