Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo daah furay Mashruuca xalka waara “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo daah furay Mashruuca xalka waara “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Puntland ayaa daah-furay Mashruuca Xalka Waara ee oo wax looga qabanaayo Fatahaada iyo daadadka kusoo rogmada Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar,Waxaana kasoo qeybgalay madax ka socotay Gollayaasha kala duwan ee Dowlada,Maamulka Gobalka,Kan Dagmada Qardho wax garad kala duwan iyo Boqolaal ka mid ah Bulshada Dagmada Qardho.

Mas’uuliyiinta iyo Injineerada ku shaqo leh Mashruucan, ayaa munaasabadda kusoo Bandhigay sida loo maaraynaayo daadka kusoo rogmada magaalada.Waxaana wax xal waara ah loogagana baaqsan doono daadadkii dhibaatada badan ku hayay Magaaladaasi Qardho.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Guddoomiyaha Dagmada Qardho iyo Guddoonka Maamulka Gobalka Karkaar ayaa soo dhaweeyay qorshahan Dowlada ee Xalka waara loogu raadinayo fatahaadaha iyo Daadadka Xilli Roobaadka ee Dagmada Qardho iyagoona Bulshada Magaalada iyo deegaankaba ka Codsaday soo Dhawaynta iyo ka qayb qaadashada Barnaamijkaani.

Madaxweynaha ayaa muhiimad gaar ah siiyey sidii xal waara loogu heli lahaa daadka joogtada ugu soo rogmada Qardho xiliyada roobka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan Bulshada Degmada in ay kala shaqeeyaan Dowladda dadaalka dowladnimo gaar ahaan Mas’uuliyiinta howlahan gacanta ku haya in lagu taageero wixii soo jeedin iyo farsamo shaqo ah ee qeybta ka ah qorshaha lasoo bandhigay Maanta.

Dagmada Qardho ayaa sanooyin badan waxaa dhibbaatooyin kala duwan u geysanayeen daadaka,dhibaatooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa Naf maal iyo Burbur hantiyeedba ka dhaxashay Daadad iyo fatahaado wada jira oo ay sababeen xilli Roobaadyada kala duwan.

Previous Post

Xubno ka mid ahaa khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugay D.Diinsoor

Next Post

Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Baarlamaanka JFS oo maanta la horgeeyay sharciga Xuquuquqda Naafada Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In