Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay aas loo sameeyey Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay aas loo sameeyey Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  ka qayb galay aas magaalada Garoowe loogu sameeyey Illaahay ha’u naxariistee  Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo ka mid ahaa Xidhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Aaska Xildhibaan Daahir Xaahi Geelle ayaa waxaa Madaxweyanaha Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, xubno ka tirasan aqalka odayaasha ee dawladda Federalka Soomaaliya, Xildhibaano kamida Dawladda Fadaralka Soomaaliya, madax dhaqameedyo  iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Ugu horayn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey qayskii, qaraabadii iyo qarankii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo.

“Inaalilaahi wa inaa illayhi raajucuun waxaan halka isugu nimi aaska marxuun Daahir Xaaji Geelle oo runtii ahaa Xildhibaan Dawladda Fedaraalka  u meteli jirey Puntland in mudo ah aadna loo yaqaaney wanaagiisa, anaguna si dhaw ayaanu isugu dhoweyn oo aanu saaxiib u ahayn, wuxuu ahaa Wasiir kamida golahaygii Xukuumada markii aan ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Illaahay ha’u naxariisto illahay meel uga wanaagsan ifka hageeyo, waxaana Illahay uga rajaynaynaa in uu udenbi dhaafo una naxariisto, sigaara waxaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland” ayuu yidhi madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.

IMG_0879 IMG_0882 IMG_0888 IMG_0904 IMG_0911 IMG_0932  IMG_0960 IMG_0963 IMG_0974 IMG_0985 IMG_0987 IMG_0991 IMG_0997 IMG_1002 IMG_1005 IMG_1013 IMG_1031 IMG_1047 IMG_1049 IMG_1056  IMG_1063 IMG_1079 IMG_1081  IMG_1090 IMG_1091 IMG_1093  IMG_1121 IMG_1127 IMG_1134 IMG_1137 IMG_1151 IMG_1164  IMG_1173 IMG_1176 IMG_1195 IMG_1203 IMG_1223 IMG_1242 IMG_1264 IMG_1267 IMG_1273 IMG_1293 IMG_1297  IMG_1304

Previous Post

DAAWO: Micheal Keating oo ka waramaya colaadda, Abaaraha, horumarka doorashooyinka iyo la dagaallanka argagixisada

Next Post

Ardayda Soomaalıyeed ee maagaalada Kayseri dalka Turkıga ayaa booqday Muwaadinad Soomaaliyeey oo ku Xanuunsan Turkiga SAWIRO.

Next Post
Ardayda Soomaalıyeed ee maagaalada Kayseri dalka Turkıga ayaa booqday Muwaadinad Soomaaliyeey oo ku Xanuunsan Turkiga SAWIRO.

Ardayda Soomaalıyeed ee maagaalada Kayseri dalka Turkıga ayaa booqday Muwaadinad Soomaaliyeey oo ku Xanuunsan Turkiga SAWIRO.

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In