Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo kulamo la qaatay Qaar ka mid ah Hay’addaha Caalamiga Ah ee ka hawlgala Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo kulamo la qaatay Qaar ka mid ah Hay’addaha Caalamiga Ah ee ka hawlgala Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley qaar ka mid ah hay’addaha caalamiga ah ee ka hawl-gala Puntland, hay’addahaas uu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa waxaa kamid ah Relief International, SCF, SSF iyo UNICEF.

Kulankii ugu horeeyey ee Madaxweynaha Puntland la qaatay saraakiisha ka socotey Hay’addaha Relief International ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen kobcinta waxbarashada hablaha, taageeridda ciidamada Puntland iyo waxbarashadooda, dhismaha xarumo waxbarasho ee deegaanada fog-fog, waxaana dhammaan qodobadaasi laysla meel dhigay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dardar geliyo wax ka qabashadooda, iyadoo ay sheegtay hay’addu in ay gelin doonaan mashaariicdaasi lacag gaaraysa 1.5 Million.

Related posts

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka socdey hay’adda SCF [Save Children Fund] oo ay kamid ahaayeen Madaxa xafiiska SCF  Soomaaliya Mr. Timothy Bishop iyo madaxa Xafiiska SCF Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange, waxaana kulanka lagaga wada hadlay  mashriicda ay Puntland ka fuliyaan hay’addu, kuwaas oo ah Waxbarashada,  taageeridda caruurta danyar ta ah, Caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafadda.

Dhinaca kale Mudane Cabdiweli Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland  ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka socdey hay’adda SSF [ Somali Stability Fun], waxaana kamid ahaa saraakiisha ka socotey hay’addani madaxa xafiiska SSF Soomaaliya Vishalina Lowrance iyo madaxa Xafiiska SSF Puntland Abshir Maxamed, isla markaana waxaa kulanka looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taakulaynta ciidamada Booliska Puntland, horumarinta dhalinyrada Puntland iyo biyo gelinta magaalooyinka waaweyn ee Puntland,

Ugu danbayn, kulanka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la yeeshay saraakiisha kala duwan ee ka kala socdey hay’addaha Relief International, SCF iyo SSF ayaa ahaa mid ku qotomay dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee hay’addahaasi ka fuliyaan guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland,

=DHAMMAAD=

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay xoreeynayaan deegaannada Argagixisadu ku dhuumaaleysaneyso “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Dhallinyarada oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Radio Muqdisho iyo SNTV

Next Post
Wasiirka Dhallinyarada oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Radio Muqdisho iyo SNTV

Wasiirka Dhallinyarada oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Radio Muqdisho iyo SNTV

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In