Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Sareeyo Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowlad Goboleedka Puntland.
2. Waxaa Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta ee Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynaha Puntland saxiixo, wuuna saxiixay