Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kulan kula qaatay Michael Keating

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kulan kula qaatay Michael Keating
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa kulan kula yeeshay Garoonka Calamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michael Keating ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa ka mid ahaa shirka Amniga Qaranka ee ka soconaya magalada Muqdisho iyo sidii looga qayb qadan laha adkeynta amniga Soomaaliya iyo in la helo ciidan Qaran oo la wareega dhamaan amniga Soomaaliya.

Related posts

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026

Dhinca kale Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo buxda oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabka soomaliyeed.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Danjire Michael Keating ayaa sidoo kale kulankooda ku xusay doorashooyinka Puntland, sidii ay waqtigooda ugu qabsoomi lahaayeen iyo sidii Puntland loogu jiheen lahaa hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod, kaasi oo ah waddada kaliya ee loo mari karo in la helo xasilooni iyo daganashio siyaasadeed oo dhabaha u xaadhi karta hormar.

Danjire Michael Keating ayaa Madaxda dowlad Goboleedka Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qadatay Nabadda iyo xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara colaadaha soo noq noqday ee ka jiray qayba ka mida gobolka Mudug, sidoo kalana Danjire Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in la tix geliyo lana ixtiraamo wada nolanshaha iyo isdhex galka bulshada.

Ugu danbeen Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa calamka uga mahad celiyay dawrka muhiimka ah oo ay ka qaadato arrimaha Soomaaliya kulana dar daarmay inay sii xoojiyaan wadada loo marayo sidii Soomaaliya cagaheeda isgu taagi lahayd, uguna yeelan lahayd dawr muuqda beesha caalamka.

=DHAMMAAD=

Previous Post

Guddoomiye ku xiggeenka 1aad ee Maamulka G/banaadir oo Xarigga ka jaray Kawaanka Malaayga ee Xamar weyne “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Wasaarada Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Madaxda Wasaarada Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxda Wasaarada Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

February 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaaraha

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaaraha

February 18, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In