Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in maxkamad la horkeeni doono shaqsi dhibaateyay gabar da’yar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in maxkamad la horkeeni doono shaqsi dhibaateyay gabar da’yar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulgoboleedka Puntland Cweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in qodobadii is afgarad ee kasoo baxay shirkii Muqdisho ay ku yeesheen madaxda dowladda F.S. iyo kuwa dowladgoboleedyada  ay ahaayeen kuwo u hiilinayey fadaraaliisamka, dawladdnimada, dastuurka Soomaaliya iyo wixii kale ee lagu heshiiyey.
C/weli Gaas ayaa xaqiijiyey in heshiiskaasi keenay isu soo dhowaansho iyo is afgarad dhexmaray dawladda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa xusay in isaga iyo guddiga gurmadka Puntland ee masiibadii qaraxii Soobe ku wareejiyeen Madaxda DFS iyo guddiga gurmadka Qaran ee DFS deeqdii shacabka Puntland ugu tala galeen walaalahooda ku wax-yeeloobey masiibadaasi, deeqdaasi ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun $491, 107 Dollar.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

C/weli Gaas wuxuu soo hadal qaaday xadgudubkii dhowaan loogu gasytey magaalada Boosaaso gabadh da’yar, taas oo Wasaaradda Haweenka  iyo Arrimaha Qoyska Puntland si deg deg ah ula tacaashey xaaladdeeda caafimad, iyadoo hadda lagula tacaalayo cisbitaalka Erdugan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shakhsigii ka danbeeyey falkaasi sharciga la horgeydoono sida ugu dhakhsiyaha badan, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu maamulka Jubbaland uga mahadnaqay qabashada denbiilihii gaystey falkaasi.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay mashruuca dhismaha dekedda magaalada Boosaaso,wuxuu sheegay in mashruucaasi horumar iyo wanaag u yahay shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, waxaana uu fariin adag u diray Madaxweynuhu shakhsiyaadka carqaladaynaya habsami u socodka dhismaha dekedda magaalada Boosaaso,

C/weli Gaasi ayaa sheegay inay yihiin shakhsiyaad dana gaar ah leh oo aan ka talinayn danta guud ee shacabka ka dhexaysa, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dawladdu diyaar u tahay inay kala hadasho kalana fadhiisato ganacsatada iyo dadka wax ku ool ka ah ee arrinkaasi ka qaba fikir.

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay R/wasaaraha Masar

Next Post

Minister Eng. Yarisow requested and urged UN agencies the need to empower government institutions.

Next Post
Minister Eng. Yarisow requested and urged UN agencies the need to empower government institutions.

Minister Eng. Yarisow requested and urged UN agencies the need to empower government institutions.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In