Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirka horumarinta Waxbarashada Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo soo xiray shirka horumarinta Waxbarashada Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo xiray Shirka horumarinta Waxbarashada Puntland oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa saddexdii maalmood ee shirku socday si joogta ah uga qeybgalay, wuxuuna goobjoog u ahaa doodihii la xiriiray sidii loo horumarin lahaa  Waxbarashada Puntland  iyo War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyada Waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay, taasi oo lagu soo ururiyay War-murtiyeedka shirka kasoo baxay, sida in magacii Wasaaradda loo bedelo Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Carruurta iyo soo jeedimaha kale ee dhaxalgalka ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay bulshada sida ay Puntland uga go’antahay in ay il-gaar ah ku hayso Waxbarashada, oo ah adeegyada Dowliga ah ee guuleystay oo Puntland ku amaanantahay. Wuxuu rajeeyay in waxyaabihii shirka ka soo baxay ay waxbadan ka qeyb qaadan doonaan horumarinta Waxbarashada deegaannada Puntland.

Shirka horumarinta Waxbarashada Puntland waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Hay’addaha taageera Waxbarashada Puntland, Lataliyeyaal iyo Khuburo Waxbarasho, Qurbojoogta, Ganacsatada, Waalidka, Ardeyda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Previous Post

Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda Socdaalka oo kormeer shaqo ku tegay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la dardaarmay Guddiga Hirgelinta doorashada Hirshabeelle “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo la dardaarmay Guddiga Hirgelinta doorashada Hirshabeelle “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la dardaarmay Guddiga Hirgelinta doorashada Hirshabeelle “SAWIRRO”

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In