Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo tabbabar u soo xiray saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo tabbabar u soo xiray saraakiil ciidan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 tabar ugu soo xiray magaalada Garoowe ciidan tiradoodu dhantahay 39 askari, kuwaas oo ka kala socdey Puntland, Dowladda Federaaka Soomaaliya iyo maamuladda kale ee Dalka

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey tababar kani loo soo xiray 39 ka askari taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Cali Nuur Cumar Saalax, masโ€™uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyadda Puntland iyo macalimiinta tababarkani bixinaysey.

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

Dr Cabdiweli oo la hadlayey ciidankani ayaa ku dhiirigeliyey cilmiga iyo aqoonta labaray inay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markana ay ahaadaan kuwo had iyo jeer ku foogan sidii ay dalkooda uga samatabixin lahaayeen xaaladda uu maanta kujiro, uguna horseediย  lahaayeen horumar.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay faa’iidada ay leeyihiin tababarada noocani oo kale ahi ayaa sheegayย  inay wax badan ka tari doonaan is dhexgalka ummaada Soomaaliyeed, is aaminaada shacabka Soomaliyeedย  iyo wax wadda lahaanshahaย  Qaranka Soomaalityeed.

”Waan ku farax sanahay runtii tababaradda noocanoo kale ahi inay Puntland ka dhacaan, Ummadda Soomaaliyeed ee isku danta ah, ee isku u jeeddada ahi inay isu yimaadaan, tababarka marba meel lagu qabto, lays dhexgalo, wixii macluumaadda iyo aqoona lays weydaarsado waa wax wanaagsan, dabcan isu imaatanka noocanoo kale ahi wax badan buu ka bedelayaa dawlad-nimadda Soomaaliya iyo horumarkeeda” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u hambalyeeyey ciidankan dhamaystay tababarka, waxaana uu Alle uwaydiiyey in tababar kani anfaco ciidankaasi, isla markaana ay uga faa”iideeyaan bulshadda Soomaaliyeed meelkastay joogaanba.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale umahadnaqay tababarayaasha ka socdey UNODC iyo dalka Sweden kuwaasi oo ka qayb qaatay tababarka ciidanka, isla markaana waxa uu ku amaanay tababarayaasha sida wananaagsan ee ay mudada kooban ula dedaaleen ciidamadani muhiim ka ah inay wax badan ka bedelaan aqoontooda iyo xirfadoodaba.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kubooriyey ciidamada ka kalayimid maamulada dalka iyo Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inay fariinta wanaagsan ee ay ku arkeen Puntland gaarsiiyaan meeshii ay ka yimadeen, isla markaana u cadeeyaan in laga kaaftoomi karo tababarada loo aado dalka debediisa, waxaana uu guddoonsiiyeyย  saraakiishaasi shahaado cadaynaysa inay dhaynteen tababarka.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kalana hadlay arimo muhiim ah “SAWIRRO”

Next Post

QM 17.5 milyan ku maalgelinaysa dhalinta Soomaaliyeed

Next Post
QM 17.5 milyan ku maalgelinaysa dhalinta Soomaaliyeed

QM 17.5 milyan ku maalgelinaysa dhalinta Soomaaliyeed

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hayโ€™adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐š ๐จ๐จ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐—๐ƒ๐’.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: โ€” Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In