Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland “Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya wuxuu kusoo dhammaaday Guul”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland “Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya wuxuu kusoo dhammaaday Guul”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo wefdigii la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga Qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay in  dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirka amniga Qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay in shirkani lagu dhisi doono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, kana qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa xusay in 2,400 oo cidanka Puntland ahi ay qayb-noqon doonaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo isku dhafkiisa.

Ugu danbayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen Qaranka Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Xulka kubadda cagta Koonfur Galbeed oo guul ka gaaray dhigooda Hirshabelle

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Kenyatta guusha uu ka gaaray doorashada

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In