Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland “Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya wuxuu kusoo dhammaaday Guul”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland “Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya wuxuu kusoo dhammaaday Guul”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo wefdigii la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga Qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay in  dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirka amniga Qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay in shirkani lagu dhisi doono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, kana qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa xusay in 2,400 oo cidanka Puntland ahi ay qayb-noqon doonaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee hadda layagleelayo isku dhafkiisa.

Ugu danbayn, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka looga hadlay arrimaha amaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen Qaranka Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Xulka kubadda cagta Koonfur Galbeed oo guul ka gaaray dhigooda Hirshabelle

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Kenyatta guusha uu ka gaaray doorashada

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In