Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ka wadahadley iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo gobolka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ka wadahadley iskaashiga dhaqaalaha labada dal iyo gobolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bahir Dar, 17 April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa maanta kulan ay kaga hadlayaan iskaashiga labada dal ku yeeshay magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia.

Labada hoggaamiye ayaa dhinacyada siyaasadda iyo amniga ka sokow si qota dheer uga wadaxaajooday iskaashi dhaqaale oo dhinacyo badan oo labada waddan dhex mara.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka soo jeediyay fikir ku saabsan in labada dal ay abuuraan guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyadoo taladaasina uu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Desalegn.

Labada dal ayaa ka wada shaqeyn doona horumarinta barnaamijyada mihnadaha iyo shaqo abuurka, maalgashiga, beeraha, tiknoloojiyadda iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Desalegn ayaa waxay kaloo ka wada hadleen suuragalnimada in waddamada Geeska Afrika ee kala ah Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti iyo Suudaan ay sameystaan suuq ganacsi oo ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Shir madaxeedkii amniga Afrika oo maanta lagu soo gabagabeeyay dalka Ethiopia

Next Post
Shir madaxeedkii amniga Afrika oo maanta lagu soo gabagabeeyay dalka Ethiopia

Shir madaxeedkii amniga Afrika oo maanta lagu soo gabagabeeyay dalka Ethiopia

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In