Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda Hirshabeelle ku bogaadiyay inay xaliyaan tabashooyinka bulshada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida G/Sarre Cabdulqaadir Xaaji Maxamed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in munaasabadda maanta loogu dabaal degayo ay tahay mid si wada jir ah loo qabtay, isla markaana aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xaflad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in howshan loo dhabar adeegay, isla markaana ay ka qeyb qaateen inta badan bulshada labada gobol.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

“Anigoo ku hadlaya magaca Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan magaca Dowladda Soomaaliya waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta howshan, iyo mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ee ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyagana waan u mahadcelinayaa, waxaan kaloo u mahadcelinayaa odoyaasha dhaqanka oo door muuqda ku lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay socdaalkii uu dhawaan Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo qeyb ka ah sidii uu maamulkiisa u xalin lahaa cidkasta oo tabasho qabto.

“Waxaan bogaadinayaa booqashadii uu Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tegay Beledweyne, waa tallaabo fiican oo aan rajeyneyno inay guul ku dhamaato, waxaana u soo jeedinaa Madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle inay xaliyaan cidkasta oo tabasho ka qabto dhismaha Hirshabeelle” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha doorashada ayaa hadalkiisa ku daray “Dowladda Federaalka ah, ma galo in maalin ay dib u dhac ku timaado hanaanka doorashada, waxaana bogaadinayaa sida ay u socdaan u diyaar garowga aqalka Hoose oo iminka la soo xulaya ergooyinkii dooran lahaa, halka aqalka sare goor hore intooda badan la soo dhameystiray”.

Madaxweynaha oo ka hadlayay bulshada ka soo jeedda gobollada Waqooyi ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo qancin lahaa, isla markaana loo xalin lahaa wixii tabasho ah oo ay tirsanayaan, si loo helo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Hobyo “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In