Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo raja wanaagsan ka muujiyay natiijada shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Kampala

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo raja wanaagsan ka muujiyay natiijada shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Kampala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay miro dhalka natiijo kasoo baxda shirka “Africa Now” ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Kampala.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Mudane; Farmaajo, oo qudbad ka jeediyay Shirkaas ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda kulanka, wuxuuna ku tilmaamay mid daaha ka rogaya Taariikhda iyo barwaaqada Afrika.

Wuxuu sheegay in hadda loo baahan yahay, hoggaan dar-dargeliya isbeddelka Bulsho iyo dhaqaale ee Afrika, sidoo kalen loo baahan yaay in aynu yagleelno mustaqbal waxtar u leh Dhallinyarada iyo Haweenka Afrika, inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta is-beddelka cimilladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha iyo inaan xal heer degmo, heer Qaran iyo heer Caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno , sida kuwa ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa yiri, “Hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika is-dhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo.

Mudane; Farmaajo ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himmilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dedaal dhankeenna ka yimaadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la huro Khibraddeenna si loogu faa’iideysto khayraadka dabiiciga , wuxuuna intaa raaciyay inaan arrinta saboolnimada aan mar danbe loo adkaysan Karin maadaama uu caalamku isu soo dhawaanayo, Qaarad kastana ay innaga horumarayso.

Wuxuu sheegay in ay cid kasta mas’uuliyad ka saaran tahay dib u habaynta, horumarinta, is-dhex galka iyo kobaca dhaqaalaha Afrika,wuxuuna tilmaamay in lasoo dhaafay xilligii Dowladda wax walba laga sugi lahaa, loona baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Ganacsiga iyo muwaaddiniintu ay si dhow u wada shaqeeyaan.

“Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soo jireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Afrika ay fursad u haysato inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna , sida warshadaha, isu socodka alaabada iyo  dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggan nahay Beeraha iyo dhinacyada kale ee soo jireenka ah.

Previous Post

Waxqabadka Todobaadka Maamulka Gobolka Banaadir+Sawirro

Next Post

Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Next Post
Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In