Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo raja wanaagsan ka muujiyay natiijada shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Kampala

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo raja wanaagsan ka muujiyay natiijada shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Kampala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay miro dhalka natiijo kasoo baxda shirka “Africa Now” ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Kampala.

 

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Mudane; Farmaajo, oo qudbad ka jeediyay Shirkaas ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda kulanka, wuxuuna ku tilmaamay mid daaha ka rogaya Taariikhda iyo barwaaqada Afrika.

Wuxuu sheegay in hadda loo baahan yahay, hoggaan dar-dargeliya isbeddelka Bulsho iyo dhaqaale ee Afrika, sidoo kalen loo baahan yaay in aynu yagleelno mustaqbal waxtar u leh Dhallinyarada iyo Haweenka Afrika, inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta is-beddelka cimilladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha iyo inaan xal heer degmo, heer Qaran iyo heer Caalami ah u helno caqabadaha aynu wadaagno , sida kuwa ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa yiri, “Hadda ayaynu u baahannahay inaynu isku xirno dhaqaaleheenna innaga oo adeegsanayna kaabayaal dhaqaale oo muuqda iyo kuwa casriga ah, si aan u helno Afrika is-dhexgalkeedu sarreeyo, nabdoon isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo.

Mudane; Farmaajo ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay inaan ka qaarad ahaan gaari karno himmilooyinkeenna haddii aan xoojinno iskaashigeenna, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin caqabad aan laga gudbi karin, buur aan la fanan karin iyo meel aan la gaari karin, haddii la helo ujeeddo guud iyo dedaal dhankeenna ka yimaadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la huro Khibraddeenna si loogu faa’iideysto khayraadka dabiiciga , wuxuuna intaa raaciyay inaan arrinta saboolnimada aan mar danbe loo adkaysan Karin maadaama uu caalamku isu soo dhawaanayo, Qaarad kastana ay innaga horumarayso.

Wuxuu sheegay in ay cid kasta mas’uuliyad ka saaran tahay dib u habaynta, horumarinta, is-dhex galka iyo kobaca dhaqaalaha Afrika,wuxuuna tilmaamay in lasoo dhaafay xilligii Dowladda wax walba laga sugi lahaa, loona baahan yahay in hoggaamiyeyaasha Ganacsiga iyo muwaaddiniintu ay si dhow u wada shaqeeyaan.

“Fursadaha horyaalla Afrika waa tiro badan yihiin. Waxaan leennahay dhalliyaro da’ ahaan aad u yar, dhul qiimo badan, khayraad badeed iyo dhaqan soo jireen ah oo iskaashi iyo is-taageerid ku dhisan. Sidoo kale, teknaloojiyadda iyo isbeddelka ku yimi adeegyada dowladda ee asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka awgeed, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Afrika ay fursad u haysato inay hormuud ka noqoto dhinacyo badan oo fure u ah horumarkeenna , sida warshadaha, isu socodka alaabada iyo  dhaqaalaha casriga ah, iyada oo aynu weli ku xooggan nahay Beeraha iyo dhinacyada kale ee soo jireenka ah.

Previous Post

Waxqabadka Todobaadka Maamulka Gobolka Banaadir+Sawirro

Next Post

Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Next Post
Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Kenya oo sheegtay in ay Ciidamadeedu dileen xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In