Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Soomaaliya waxay gaartey biseyl siyaasadeed oo arrimaheeda ay ku go’aamiso’’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Soomaaliya waxay gaartey biseyl siyaasadeed oo arrimaheeda ay ku go’aamiso’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xirey Madasha Wadatashiga Qaranka, oo magaalada Muqdisho ka dhacdey intii u dhexeysey 13-ka ilaa 16-ka bishan December.

Madashan oo ay ka soo qeyb-galeen madaxda maamullada Jubba, Galmudug, Puntland, Koonfuur Galbeed, gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, ayaa waxaa lagu lafa gurayey nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta sannadka 2016-ka.

Related posts

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xiritaanka madasha ayaa sheegay in Soomaalida marba marka ka sii dambeysa ay muujinayaan biseyl siyaasadeed oo aayahooda ay ku go’aaminayaan.

“Muddadii madashan ay socotey waxaan yeelaney doodo aad muhiim u ah, oo ku saabsan nooca doorasho ee aan yeelan doonno sannadka soo socda. Waxaan shacabka u sheegayaa in madashan ay guul ku soo dhammaatey. Waxaan isla gaarney heshiis meel dhexe ah oo cid walba rabitaankeeda la dhegeystey. Ma jirto cid wax waliba oo ay rabtey wada heli karta, wadatashiga dhabta ahna waa kan ra’yiga la isku darsado, kadibna si wadajir ah loo qaato qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee dhinacyada ay soo jeediyaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya ka jira uu yahay ku meel gaar, sidaa darteedna wax walba oo muhiim ah oo dastuurka aan ku xusnayn ay khasab noqoto in sidan oo kale ay madaxda isku xilqaamaan si ay xal u gaaraan.

Waxaa uu Madaxweynaha u mahad celiyay shacabkii Soomaaliyeed ee fikradahooda ka dhiibtay hannaanka doorasho ee ay jeclaan lahaayeen, isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay inay tusaale wacan u tahay hadafka Soomaaliya ee ah in shacabku ugu dambeyn ay helaan nidaam doorasho oo qof iyo cod ah.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee ku xusnaa war murtiyeedka Madashan labaad ee Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Inaysan jirin wax muddo kororsi ah marka uu dhammaado xilliga muddada dastuuriga ee hay’adaha dowladda.
    2. Dhismaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare waa inay qayb ka ahaadaan hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.
    3. Doorashada labada aqal waa inay ku saleysnaadaan isku dheelitir qabiil iyo degaan.
    4. In ergooyin doorasho ay ka qeyb qaataan doorashada xildhibaannada Baarlamanka, taas oo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada. Ergooyinka waa inay metelaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada .
    5. Inay jirto kuraas cayiman oo ka mid ah labada aqal, kuwaas oo loo qoondeeyay haweenka. Waa in la xoojiyaa xuquuqda dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.
    6. In la isku raaco qorshe hawl-fulin siyaasadeed cad oo qeexaya meel marinta hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka, iyo mid kale oo caddeynaya sidii dalka doorasho qof iyo cod looga hirgelin lahaa sannadka 2020-ka. Qorsheyaashan waa inay qeyb ka noqdaan heshiiska kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.
    7. Kadib wadatashi ay hoggaamiyeyaashu ugu noqdaan degaannadooda, waa in faahfaahinta kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka, iyo qorshe fulineed la isku raacaa, kulanka lagu qaban doono magaalada Kismaayo 10-ka bisha Janaayo sannadka 2016-ka.

Qodobadan ayaa waxaa shirka ka hor akhriyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Waxaa isna munaasabadda hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay.1 2 3 4 5 6

 

Previous Post

Taliye ku-xigeenka booliska oo tababbar u soo xiray saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In