Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Sudan oo ku Dhawaaqay Nidaam cusub oo Dib u habeyn loogu sameynayo Dhaqaalaha Dalkaasi

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Sudan oo ku Dhawaaqay Nidaam cusub oo Dib u habeyn loogu sameynayo Dhaqaalaha Dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ku dhawaaqay nidaam cusub oo dib u habayn loogu samaynayo dhaqaalaha dalka, si wax looga qabto maciishadda quutal daruuriga ah oo sii qaaliyoobaysa.

 

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Al-bashiir waxa uu u jeediyey dadka banaanbaxyada dhigaya ee ka cabanaya qiimaha Ceeshka oo sare u kacay inaan looga faa’iidaysan burburinta dalka oo aysan ku dhex dhuuman kooxaha qaswadayaasha ah ee cadawga u shaqeeya.

Ciidamda ammaanka ayuu ku bogaadiyey inay xakameeyeen xaaladda, ayna hor istaageen rabshado qasaare ay ka dhalan lahayd, sidoo kalena ay ilaaliyeen badqabka muwaadiniinta.

Wakaaladda wararka Sudan ee SUNA ayaa xustay in dib u habaynta dhaqaale ee madaxwaynuhu ku dhawaaqay uu diiradda saarayo, nidaamka suuqyada, wax soo saarka gudaha iyo Bankiyada, si heer nololeedka bulshada looga dhigo mid la awoodi karo.

Dhawrkii sano ee ugu dambeeyey waxaa dalka Sudan ka dhacay banaanbaxyada shacabku ay uga cabanayaan dhaqaale xumo, balse dawladda Sudan waxay samaysay tallaabooyin badan oo nidaamka dawladeed lagu ilaalinayo, waxaana Sudan ay ka badbaaday isbadallada Guga Carabta oo wadamo badanoo carbeed colaad dhaxalsiiyey.

Previous Post

Madaxweynaha Mexico oo ka hadlay mas’uuliyiin shil diyaaradeed ku dhinta

Next Post

Hooyo Salaado Xuseen Nuur: Hankeenu waa kii shalay

Next Post
Hooyo Salaado Xuseen Nuur: Hankeenu waa kii shalay

Hooyo Salaado Xuseen Nuur: Hankeenu waa kii shalay

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In