Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waan ku ammaanayaa shacabka reer Puntland sida ay uga shaqeyeen nabadda iyo horumarka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii hoggaanka maamulkaasi uu qabtey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay waddan jaceyl, dowlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026

“Shacabka reer Puntland waxay tusaale fiican u noqdeen Soomaaliya. Waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen nabadda.Waxaan oran karaa waxay haatan Puntland ku jirtaa marxaladda horumarka, oo way ka soo gudubtey marxaladdii sida weyn dalkeena ula degtey ee nabadgelyo la’aanta iyo dib u soo kabashada. Waxaa wax lagu farxo ah in maanta dalkeena uu ka gudbay xaaladdii lagu tilmaami jiray ee ahayd inaan nahay dal dhicisoobay. Waxaana taasi ka marag kacaya isla kuwii horey sidaa inoo dhihi jiray ,oo maanta qiraya inaan ku jirno marxaladda dib u soo kabashada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka keliya ee u harsan Soomaaliya uu yahay kan lagula jiro kooxda argagixisada Al Shabaab, loona baahan yahay in loo midoobo sidii dalka looga ciribtiri lahaa.

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegay in dagaalkii sokeeye iyo nidaamyadii hore dalka uga jirey ay dhaliyeen kala shaki, iyo cabsi ay dadka qaar ka qabaan dowladnimada iyo in xitaa qeybo shacabka ka mid ah ay dhexdooda kala baqaan.

“Midnimada waa aasaaska dowladnimo. Waxan ku jirnaa marxalad aan ku dhiseyno nidaamka cusub ee dowladnimada Soomaaliya, waana waajib in qof kasta oo Soomaaliyeed uu talo ku yeesho, si wadajir ahna go’aan looga qaato aayaha siyaasadeed ee waddankeena. Si aan uga baxno , una ilowno waayihii murugada badnaa ee la soo dhaafay, waxaa loo baahan yahay inaan la nimaadno siyaasad sal adag ku taagan oo wax dhisaysa. Siyaasaddu waxay leedahay kaabeyaal muhiim u ah si ay u hanaqaaddo , kuna noqoto mid shacabka ay ku diirsadaan’’.

Madaxweynaha oo ka hadlayey hawlaha adag ee horyaalla dalka,ayaa qiray inay jiraan wax badan oo Soomaalidu ay qabteen, wax badanna ay weli harsan yihiin.

“Hawlaha muhiimka ah ee ina horyaalla sida dib u eegista dastuurka, dhismaha iyo hirgelinta nidaamka federaalka iyo kuwo kale oo badan, waxay ka mid ahaayeen looga fadhiyay inay qabtaan dowladihii ku meel gaarka ee jiray, laakiin caqabado jiray awgood, laguma guuleysan. Dowladda haatan jirta dadaal badan ayay arrimahaasi u gashey, dhanka dhismaha maamulladana horumar la taaban karo ayaan ka sameyney sida aad wada og tihiin’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya sannadkan ay ahayd inay dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, balse go’aan wadajir ah ay Dowladda Federaalka iyo maamullada ku jira ku garwaaqsadeen inaaney arrintaasi dalka ka dhici karin waqtigan la joogo caqabado badan oo jira awgood.

“Go’aanka dib loogu dhigay doorasho qof iyo cod oo dalka ka dhacda waxaa uu ahaa mid loo dhan yahay. Go’aanka xiga ee ku saabsan nooca doorasho ee aan qaadan doonana waxaa uu noqon doona mid loo dhan yahay oo Soomaali oo dhan ay talo ku leedahay. Waxaan idin sheegayaa inaan nahay hal ummad oo isku baahan si ay horumar u gaaraan. Kala adkaan meyno, kalama guuleysaneyno ee waan wada guuleysaneynaa, inagoo wadajirna una adeegayna danaha qaranka iyo shacabkeena’’, ayuu yiri Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu ugu dambeyntii Madaxweynaha u xaqiijiyay shacabka reer Puntland in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba ka shaqeyneyso waxa danta u ah dalka oo dhan, iyaguna looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sidii waddanka dib loogu soo celin lahaa maqaamkii uu caalamka ku lahaa.

Previous Post

R. W. ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay caruur da’yar oo dhaqancelin loo sameynayo

Next Post

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib booqasho uu ku tegey Boosaaso+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib booqasho uu ku tegey Boosaaso+Sawirro

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib booqasho uu ku tegey Boosaaso+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo xilka la wareegay

June 20, 2026
0

Wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS mudane Abuka Jeylaani Sheekh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud...

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

Xulka Qaranka Gabdhaha ee 17-sanno jirada oo dalka dib ugu soo laabtay

June 20, 2026
0

Waxaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano, kuwaas oo ka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Imtixaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In