Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tilmaamay in shirka ay ka soo bixi doonaan go’aanno muhiim u ah hananka doorasho ee lagu qabanayo gudaha dalka.

Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu go’aamin doono qaabka ama nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso sannadka 2016-ka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyo Jubba, Axmed Maxamed Islaam.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay inuu rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan natiijooyin ka farxiya shacabka, isagoo ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay la yimaadaan isku tanaasul, iyagoo eegaya danta guud iyo dib u yagleelidda dowlad Soomaaliyeed oo nabad, xasilooni iyo horumar u horseedda Soomaaliya oo dhan.

“Waa mahad Allah aan ka soo gudubney xiligii nalagu oran jirey dal fashilmey. Waxan haatan nahay dal dib u soo kabanaya, oo aan dooneyno inaan u dhigno aasaas xooggan oo muhiim u ah mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato. Waxaa naga go’an inaan wixii khilaaf ah ee jira aan wadahadal ku dhameyno, waana sababta keentay inaan dhisno madasha hoggaamiyeyaasha si aan danaha qaranka ugu gorfeyno,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in mabda’a aasaaska u ah Soomaaliya uu yahay wadajirka iyo midnimada, loona baahan yahay in ruux kasta oo Soomaali ah uu u istaago, sidii taasi loo gaari lahaa, isagoo dhanka kalena ku baaqey in lala yimaado dulqaad.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka inay yareeyaan cabsida iyo kalsooni darada ka dhalatey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

“Waxaan ku kalsoonahay kuna rajo weynahay in natiiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto wadatashigan aan u fadhino. Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno waa mid ku saleysan dimoqraadiyad, xasilooni, iyo in laga wada qeybgalo, sidaa darteed aaney meesha oolin wax cabsi ah oo la xiriirta mustaqbalka. Waxaan anigoo fursaddan ka faa’iideysanayaa aan doonaya inaan u mahad celiyo beesha caalamka oo mar walba nala garab taagan taageerada aan u baahanahay ee muhiimka u ah dib u dhiska dalkeena’’.

1 2 3 4

Previous Post

Sida ay u wada shaqeyn karaan ururrada bushada rayidka iyo dowladda oo laga hadlay

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In