Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 5 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey barnaamijka wadashaqeynta gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir ee xoojinta amniga caasimadda.

Kulankan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen madaxda gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, taliyeyaasha ciidammada gobolka, iyo mas’uuliyiin kale ayaa Madaxweynaha waxaa uu ka jeediyay khudbad uu ku dhiirigelinayo shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, maamulka gobolka iyo degmooyinka si looga adkaado cadowga.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow caalami ah oo khatar ku ah amnigeena iyo jiritaankeena. Cadowga Al Shabaab ee aan la dirireyno wuxuu haatan hadafkiisu yahay xasuuqa shacabka, taana waxaa daliilu ah ficiladooda ay sida arxan-darada ah ugu beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Dagaalkan waxaan uga guul gaari karnaa inagoo si wadajir u wajahna, dadaalkeenanan meel isugu geyna’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in doorka gobolka Banaadir ee dhinaca amniga caasimadda aanay ahayn arin cusub ama go’aan hadda uun la gaaray, balse ay tahay arin horey qaanuunka ugu xusneyd oo haatan si wanaagsan loo qeexay, isagoo sheegay in doorkaasi ay la socdaan mas’uuliyad iyo isla xisaabtan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aamadii dhowaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada ay ahaayeen kuwo dhaxal gal ah oo wax ka taraya xoojinta amniga magaalada Muqdisho.

“Go’aamada la gaarey ee dhaxalgalka ah waxaa ka mid ah in la yareeyo gawaarida hubeysan ee magaalada dhex wareegaya. Waa inaan wacyigeena amniga kor u qaadno, feejignaan dheeri ahna aan muujino . Hanjabaadaha cadowga yaaney idin niyad jebin, taa bedelkeedana waxaan shacabka ugu baaqayaa inay ciidammada la shaqeeyaan oo ay soo wargeliyaan mar kasta oo ay arkaan waxyaabo ay ka shakiyaan, amaba wax u dhimi kara amniga qaranka’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in wiilashii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa ciidammada amniga ee ku dhintey weerarki ugu dambeeyey ee kooxaha nabad diidka ay la fuliyeen Muqdisho ay ahaayeen shuhado difaacayey shacabka iyo qaranimada Soomaaliya.

“Wiilashan waxay u dhinteen si ay u badbaadiyaan hooyooyinka iyo aabeyaasha Soomaaliyeed. Dhiiggooda ayay ku bixiyeen inay cadowga ka hor istaagaan inaan la waxyeeleyn dad rayid ah oo noloshooda raadsanaya. Waan ka xumahay inay jiraan dad wax ka sheegaya wiilashaasi sharafta ku dhintey, waxaana si cad u sheegaya in kuwa wax ka sheegaya ciidammadeena duruufaha adag ku shaqeynayaa inay yihiin kuwo u adeegaya danaha Al Shabaab’’.

Waxaa uu dhanka kale Madaxweynaha sheegay in dowladda ay muhimad gaar ah siineyso daryeelka ciidammada, dadaal kastana ay ku bixineyso in xaqa ay leeyihiin iyo daryeelka ay mudan yihiin ay helaan.

“Way dhacdaa in mar mar mushaharka uu ka soo daaho ciidankeena, hadana waxaan mar walba xaqiijinaa in mushaharaadka ka daahay oo dhan la siiyo. Sidaad wada ogtihiin dowladdeena dhaqaale ku filan ma haysato.Dhowaan booliska waxaa la siiyay mushaharaad dhowr bilood ka soo daahay. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna, waa la siinayaa wixii mushaharaad ah ee ka baaqdey. Waxaan farayaa Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda inay qalabka warbaahinta ay bulshada warbixin kaga siiyaan xaaladda daryeelka ciidammada si meesha looga saaro wararka kutiri-kuteenka ah ee la faafinayo’’.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

 

 

Previous Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60aad oo xukun riday “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In